“Madaxwaynaha Aragtiidiisa Wanaagsan Ilaahay ha u fududeeyo Sidii Uu ficil Ugu Rogi Lahaa Isaga Iyo Inta Uu Xilalka Cul Culus Ku Aaminay” Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxwaynaha Aragtiidiisa Wanaagsan Ilaahay ha u fududeeyo Sidii Uu ficil Ugu Rogi Lahaa Isaga Iyo Inta Uu Xilalka Cul Culus Ku Aaminay” Cali Guray
April 13, 2018 - Written by Editor:

Muj Cali Guray Oo Lafo Gur Ku Sameeyay Waraysigii Madaxwaynaha Jsl  Uu la Yeeshay  Weriye Cabdisalaan Hereri,

HARGAYSA(W,N) Waxan dhegaystay waraysigii Hereri uu la yeeshay Madaxwaynaha Somaliland sua’aalahii weriyaha, oo aynu ognahay khibraddiisa iyo jawaabahii Madaxwaynahaba aad baan uga helay. Gaar ahaan Madaxwaynaha aragtidiisa(vission) marka aan isku soo duubo sax baan u arkayay mabda’ ahaanna 100% waan ku taageersanahay marka ay aragti(vission) tahay. laakiin aragti sida ficil loogu rogi karaa wax sahalan maaha. Madaxwaynuhuna sidiisaba waa qof inta uu qof qaban karaana way xadidan tahay markaa wax badan ayaa ku xidhan dadka uu bulshada kala soo dhex baxo kartidooda (aqoontooda, daacadnimadooda iyo weliba waayo aragnimadooda shaqo).

cali-guray

Waxan u malaynayaa dhalinyarada xidhiidhkooda in aanu jirin qof aniga da’dayda ah oo iiga dhawi waayo dee baraha xidhiidhka bulshada 7dii sanadood ee ugu dambeeyay online baan ahaa wax badanna waan ka faaiidaystay oo macluumaad ah oo iga maqnaa oon iyaga la wadaagayay anigana intaa wax bay iga korodhsanayeen. Markaa waxna waan ka baranayay Aniguna wax baan barayay annaguna waanu isbarabaynay anagoon inta badan meel wada joogin. Malaha inta aanu saaxiib ku nahay baraha bulshada oo kolay nin ila gedo ah oo saaxiib ay ku yihiin Sl ma jiro ama soomaalida badankeedaba. In hogaaminta qaranka ay wax ku yeeshaan inta aan u ogolahayna ma jiro nin u ogli waayo anigu ilaa kursiga Madaxwaynuhu ku fadhiyo ninkii u ogolaa ee Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirrashiid Xasan Mataan oo iga yaryar u ogolaa ee weliba waday baaban ahaa.

Madaxwaynaha waan ku taageersanahay in dhalinyarta uu fursad siiyo hungurina igama hayo shaqo dawladeed oo 27 sanadood ka hor ayaan ahaa Agaasime Guud hadii ay tahay Wasaarad iyo Haya’d Madaxbanaanba kuwaan anigu meel madhan ka bilaabay ayaan iyagoo dhisan oo jira oo shaqaynaya wereejiyay oo la wada ogyahay.Ku darsoo aniga waayo aragnimadayda shaqada ilaa iyo November 1975kii iiguma jirto xil anigu aan wareejo mooyaane xil aniga la igu wareejiyay waayo wax aanan anigu bilaabin kamaan shaqaynin markaa yaa xil igu wareejin? Meel jirta oo anigu aanan bilaabin taariikhdayda shaqada laba goor bay i soo martay labadaasina waxay ahaayeen laba mashruuc oo intay socon waayeen la joojiyay oo albaabada loo xidhay kadibna la iigu yeedhay oo aan dib u bilaabay iyaga oo socdana aan qof kale ku wareejiyay (1977kii iyo 1999kii) labadaba markhaatiyadoodii baa jooga

Dhalinyarada Somaliland waan ogahay oo waxa ku jirta in badan oo iyagu leh hibo-hogaamineed(leadership talents) hadii ay kuwaa yihiin kuwa uu Madaxwaynuhu xushay ama loo soo xulay waan soo dhawaynayaa. Dhalinyarada wax badan baa ka Dhiman markaa dhinaanshahaasi waa in loogu dulqaataa Intooda dadaalaysa intay barbaradka yihiin waana in si gaar ah isha loogu hayaa talo iyo tusaalena lala daba joogaa aakhirka rag iyo dumar wax hogaamin kara ayaa ka soo dhex bixi waa la hubaa taasi

Madaxwaynuhu wuxu ka hadlay mashaariic waawayn oo dalka ka socota waxan filayaa inay weli goor hore tahay oo aanay wejigii fulinta(implementation stage) si buuxda u gelin hadii aynaan dhinaceena awooddii(capacity) loo baahnaa diyaarinin dad ahaan iyo haya’do ahaanba waa marka ay mashaariicdu ugu dhaw yihiin inay fashilmaan waayo marka ay fikir ama qorshe yihiin waxaan jirin fal-celin(reaction) laakiin marka ficil loo rogayo waxa jira fal-celin oo muranka iyo is dhexyaaca iyo hunguriyada is jiidhaya iyo weliba timaadooyinka aan hore looga diyaargaroobin ayaa saamayntooda yeelan kara oo loo baahan yahay in lagu talogalo.

Markaa Madaxwaynaha aragtiidiisa wanaagsan Ilaahay ha u fududeeyo sidii uu ficil ugu rogi lahaa isaga iyo inta uu xilalka culculus ku aaminay iyo inta hareero joogta uu ka talo qaataba

 

CALI MAXAMED YUUSUF (Cali gurey)

COMMENTS
LINKS