Maamulihii Kastamka Wajaale Oo fall Dambiyeed Uu ku Kacay Ku Mutaystay Dalacaad Iyo Fadeexadaha Isbarkan Ee Dulhoganaya Wasiirka Maaliyada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulihii Kastamka Wajaale Oo fall Dambiyeed Uu ku Kacay Ku Mutaystay Dalacaad Iyo Fadeexadaha Isbarkan Ee Dulhoganaya Wasiirka Maaliyada!
April 9, 2018 - Written by Editor:

TOG WAJAALE (W,N) Muddo Sideed iyo Labaatan Sanno ah oo S/land jirtay waa markii u horaysay ee Xillka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda loo magacaabo Masuul Dhalinyaro ah oo muddo badan ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda,hadaba Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi oo xillka Culus ee Wasaaradda Maaliyadda Madaxwayne Muuse Biixi u magacaabay,waxaad ku arkaysaa hab maamulkiisa Dabeecado ugub ku ah hab Maamulkii Wasiiradii ka Da”ada waynaa ee Wasaaradda Maaliyadda soo maamulay lagu yaqaanay,waxayna Wasaaraddii Maaliyaddu hoy u noqotay Fall dambiyeedyo ka dhex dhaca Kastamada Dalka,.

wasiirka maaliyada yuusuf

Waxaase xusid mudann,in maalin Salaasa ah oo ku beegan 3/4/2018 Uu fal foolxumi k dhacay kastamka Wajaale kaasi oo uu ku kacay maamulihi  dalacsiiyay isla markaana lagu   abaall mariyay,Qaraabo Kiilnimo taasi oo  jahawareer maamull abuutay oo ku habsaday goobaha dakhli ururinta ee Wasaaradda Maaliyadda Maamusho,iyadoo Koox Kormeera oo Wasaaradda Maaliyadda ka socata ay Kormeer ku tageen Kastamka Wasaaradda Maaliyadda ee ku yaala Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale,Kooxdan Kormeerka ah oo ka tirsann Wasaaradda Maaliyadda ayaa gudo galay hawshoodii Baadhiseed ee lagu dardar galinayay shaqo maalmeedka Kastamka Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale .

Inkastuu,Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu Yuusuf Maxamed Cabdi uu bixiyay amarka ay ku tageen Saraakiishani Dardar galinta iyo baadhistu Kastamka Wajaale,waxaa Saraakiishii kormeerka ahayd ay la kulantay dhacdo ugub ku ah Wasaaradda Maaliyadda,iyadoo Maamulihii Kastamka Wajaale C/laahi Najax Xasan Cige uu gabi ahaanba amar diido toos ah kula kacay Saraakiishii dardar galinta iyo baadhista u tagtay Kastamka Wajaale,Wasiirka oo si dhaqso ah ula soo hadlay Maamule C/laahi Najax waxuu u sheegay Maamulaha in uu u hogaansamo kooxda kormeerka isla markaana Eedayn kasta oo ay u sameeyaan isaga hor imanayso uu kana difaaci doono . 

Mar kale,sida ay noo Xaqiijiyeen Saraakiishii Baadhista iyo Dardar galinta u tagtay Kastamka Wajaale waxuu kula kacay Fall dambiyeed isku day dill ah isagoo ula soo baxay Bastoolad uguna hanjabay in uu Madaxa ka toogan doono haday Kastamka ka bixi waayaan,waxayse Saraakiishii kormeerku la soo hadleen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda waxaanu Amar ku bixiyay in Xoog Xillka looga qaado lagana tiriyo Masuuliyadda uu qaranka u hayo,loona soo qaado Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Hargaysa si wax looga waydiiyo fall dambiyeedka .

Waase yaabka yaabkiiye,waxuu Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu Yuusuf Maxamed Cabdi uu u Dalacsiiyay Maamule C/laahi Najax Xasan Cige Maamule ku xigeenka Kastamka Saylac oo ah Kastamka Sadexaad ee Dalka S/land ugu wayn, inkastuu ku kacay isku day dill uu Bastoolad u adeegsaday.Halka Badalkiisii uu u magacaabay Maamulaha Kastamka Wajaale C/raxmaan Qasnajigii Kastamka Madaarka Cigaal Internatoinal Air port ee Hargaysa.Halka uu u magacaabay Qasnajigii Kastamka Madaarka Cigaal Internatoinal Air port ee Hargaysa Masuul kale oo ay isna isku jufo hoose yihiin Wasiirr Yuusuf Maxamed Cabdi .

Si kastaba ha ahaatee,waxaa taariikhda lagu xusi doonaa hanaanka maamul ee Wasiirkii ugu da”ada yaraa ee Wasaaradda Maaliyadda soo maamula, iyadoo Magacaabis kasta oo ka soo baxda Maamulka Kastamada ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi uu u magacaabo jufadooda hoose ,halka wareegtadii u dambaysay uu ku wada magacaabay Sadex Masuul  oo jufadiisa hoose ah Ayna ka marag kacayso heerka uu ka taagan yahay Musuq maasuqa,Qar aabo kiilka iyo Eexda uu ku soo kordhiyay Wasaaradda Maaliyadda.

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS