Laba Gaadhi Oo Daad Ku Qaaday Gudaha Magaalada Hargaysa Iyo Khasaaraha Ka Dhashay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laba Gaadhi Oo Daad Ku Qaaday Gudaha Magaalada Hargaysa Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
April 12, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- Roob laxaad leh oo galabta ka Da’ay Magaalada Hargeysa oo uu daadad ka dhashay ayaa waxa ay sababeen in ay qaadaan laba baabuur oo marayay Bartamaha Magaalada Hargeysa.

 

breaking_news_1_

Labada Baabuur oo kala ahaa Surf iyo Nooca Indho Cadaha ayaa dadkii la socday laga soo badbaadiyay, hasayeeshee labadii baabuur uu la tagay Daadku.

Sidoo kale Ma jirto marka laga yimaado baabuurta uu la tagay cid kale oo wax yeeleeyay, waxaana gurmad dheer oo ay galeen ciidamada Dab damisku ay ku guulaysteen in ay badbaadiyaan dadkii la socday baabuurtaasi.

 

Wixii Warara Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Shabakada Wajaalenews.net

 

COMMENTS
LINKS