Laba Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Columbus Oo Maanta La Aasay+Sawirro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laba Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Columbus Oo Maanta La Aasay+Sawirro
April 25, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- Boqolaal Soomaali ah ayaa ka soo qeybgashay Aas si wada jir ah loogu sameeyay laba dhalinyaro Soomaali ah oo maalinimadii Sabtida lagu dilay magaalada Columbus.

 

Dhalinyaradan waxaa ay wada saarnaayeen halgaadhi waxaana loo toogtay si isku mid ah mana suurogalin in dhaawac lagu soo gaadho.

 

Booliska oo goobta yimid ayaa qaaday medka kuna wargaliyay laamaha amaanka in la dilay labo dhalinyaraa oo wali aan la hayn dadkooda waxaase maalin kadib la ogaaday eheladooda oo lagu wareejiayay.

 

Manta ayaa lagu aasay qabuuraha muslimiinta ee Columbus Ohio waxana ka soo qeybgalay dad aad u baddan oo ka murugsan waxa dhacay.

 

Waxaa lagu kala magacaabi jiray Cabdullaahi Sacid Sharif  oo 30 jir ahaa iyo Cabdikhaaliq  Sacid Maxmed oo 20 jir ahaa.

 

Ehelada labadan dhalinyaradaa waxaa ay xaqiijiyeen in aysan ilaa iminka helin wax faahfaahin ah oo la xadhiidha dilkooda oo baadhitaan aysan ka hordhici karina uu socdo.

 

Culumadii iyo waxgaradkii ka hadlay meesha ayaa aad uga walaacay dilkan iska socda ee aan ilaa iminka cidna maxkamad la soo taagin

 

Waxa ay Culumadu ugu baaqeen jaaliyada in ay ku baraarugaan halista ku xeeran ubadkooda una istaagan sidii loo heli lahaa sil siladaha halistaa ee dhalinyarada ku dhex jira.

 

Sanadkii hore 2017 ayay ahayd markii 8 dhalinyaraa lagu dilay Columbus kuwaas oo sida la sheegay Soomaalida dhexdeeda ay mushkiladu ahayd.

 

Ciidamada danbi baadhista iyo Boolisku waxa ay aad uga wal walsanyihiin Cabsida aan micnaha lahayn ee haysa dadka Soomaalida kuwaas oo hadii ay danbiilaha sheegaan u arkaya in iyaga la layn doono taasna ay tusaale xun u tahay sidii guul looga gaadhi lahaa arintaasi.

 

aas1 aas2 aas3 aas4 aas5 aas6 aas7

COMMENTS
LINKS