|
|||||
WAJAALE NEWS
Khilaafkii Ganacsatada Iyo Xukuumada Oo Cirka Maraya, Kulan Ay Maanta Fooda Isku Dari Doonaan Ganacsatada Iyo Madaxwaynuhu Iyo Badeecooyin Lagala Soo Degay Boosaaso Oo Dalka Soo Gaadhay!
April 12, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (W,N)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo qaar ka mid ah Ganacsatada waaweyn iyo kuwa dhexe ee Somaliland ayaa la filayaa in ay maanta oo Khamiis ah kulan gaar ah jilbaha is dhigaan kadib Cabashadii ay maalmihii ugu dambeeyey qabeen guud ahaanba Ganacsatada waddanku kadib markii ay si weyn uga gadoodeen ku dhawaad 40% Tacriifad u dhiganta oo la Kordhiyay cashuurtii Badeecadaha Kasoo Dega Dekada Berbera iyo korodhka xukuumaddu ku samaysay qiimihii ay ku sarrifi jirtay doollarka. Ilo-wareedyo u dhuun-daloola kulankan ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyey in maanta oo Khamiis ah Ganacsatadu kulan gaar ah la yeelan doonaan Madaxweynaha kadib cabashadii xoogganayd ee ay ka muujiyeen tacriifaddii cusbayd iyo qiimaha lacagtii ay xukuumaddu Doollarka ku sarrifi jirtay waxaana la filayaa in kulankaasi labada dhinac mid kastaa xujadiisa la yimaaddo iyada oo ay imika aad u kala fog yihiin.
Xigasho, Wargayska Foore Related posts:“Haddaan Biyo La’aan Ka Cabo Is Idhaahdo, Ma Hadli Karo, Waayo Waa Qasab In Aan Adeero Ixtiraamaa Oo... DAAWO;-Madaxwaynaha DDSI Oo Mamnuucay In Deegaanada Somalida Lagu Qabto Shir Beeleedyo+ Sobobta! Daawo:Sheekh Aadan Siiro Oo Soo Jeediyay In Xisaab Adag Lala Galo Xukuumada Mudo Xileedka u Hadhsan ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|