|
|||||
WAJAALE NEWS
Khilaaf Ka Taagan Agaasimaha Guud Ee Maamulka Gobollada Iyo Degmooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Ee Uu Dhawaan Madaxweynuhu Magacaabay
April 7, 2018 - Written by Reporter:“Ma Dhabaa In Wasiirka Arimaha Guduhu Ka Hor Istaaga Inuu Xilkaasi La Wareego Mukhtar Maxamed Cali Oo Uu Dhawaan Madaxweynu U Soo Magaaabay Booskaasi? + Arintu Madaxtooyadda Dib Ugu Noqotay.
Hargeysa (W,N) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyay in khilaaf ka taagan yahay Cidda Qabanaysa Booska Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Kadib markii uu Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Muj Maxamed Kaahin Axmed uu ka hor istaagay inuu xilkaasi la wareego Mukhtar Maxamed Cali oo uu Madaxweynuhu dhawaan booskaasi u soo magacaabay. Illo-Wareedyo u dhuun daloola Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland oo Wargeyska Foore helay ayaa daaha ka rogay in Wasiir Maxamed Kaahin Axmed uu ku wargeliyay Mukhtar Maxamed Cali in wax iska badeleen magacaabistii uu dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi u soo magacaabay Booska Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland,islamarkaana loo badelay,lana wareego Booska Agaasimaha Guud ee Amniga ee isla Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Madaxweynuhu Magacaabistii u dambaysay uu u soo magacaabay Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray) kaasi oo Sida la sheegay uu Wasiirku la jecel yahay inuu qabto booska Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka. Labadan masuul ayaa laga soo kale badelay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo ay Agaaasimayaal Guud ka ahaayeen tan iyo Xukuumaddii Siilaanyo.
Xigasho, Wargaysaka Foore Related posts:Madaxwaynaha Somaliya Oo Gaadhay Dalka Jabuuti Iyo Nuxurka Kulan Uu la Qaatay Madaxwayne Geele. Xildhibaanadii Qaatay Mabda,a Kulmiye Oo Durba Qiil U Sameeyay Laba Gardaaqida Cali Yuusuf, Sharci ... Saamaynta taban ee U-joog Ku-joog U-joogta (Tabaha habaysan ee qaran-gadka), Qalinka: Boobe Yuusuf D... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|