“Ilaa Hadda Anigu Ma Garanayo Waxa Uu Dhimay Wasiirul Dawluhu Cid Ii Sheegtana Ma Hayo Ee Ma Sir Buu fashiliyay” Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ilaa Hadda Anigu Ma Garanayo Waxa Uu Dhimay Wasiirul Dawluhu Cid Ii Sheegtana Ma Hayo Ee Ma Sir Buu fashiliyay” Cali Guray
April 22, 2018 - Written by Editor:

Ilaa hadda anigu ma garanayo waxa uu dhimay Wasiiru dawluhu cid ii sheegtana ma hayo ee ma sir uu fashiliyay baa jirtay? Aniga kolay waa wax iga maqan. Midda kale waa in aad kala garan karto hadalka adiga ku khuseeya iyo ka aanad shaqo ku lahayn ee cid kale iyo meelo kale u socda. Marka Dawladda Imaaraadku ay isdifaacayso siyaasad ahaan iyo sharci ahaan iyada ayaa xaq u leh wixii ay isku difaacayso.

Cidda ay la hadlaysaa maaha inaga oo inagu heshiiskii aynu wada galay ayaa inaga dhexeeya ee dhinacyadii wada galay iyo in dhinacyadii wada galay ay wada dhaqangeliyaan .

Taasina ilaa iyo hadda wax dhibaato ahi kama jirto. Markaa hadii aan huuhaadii Cirro laga didin anigu ma ogi shil dhacay iyo belo kale oo jirta. Hadalka Wasiirka si qaldan in loo turjumo waa lagu talogalay muraad baana laga lahaa, sida ay dadka qaar u dhigayaan weftigu waxay sheegeen inay ka xun yihiin sidii qaldanayd ee loo tarjumay hadalka Wasiiru dawlaha tii ayaa hadda si kale loo dhigayaa oo la leeyahay weftigu hadalkii wasiirku yidhi ayuu raaligelin ka bixiyay,

 

CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS