|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Oo Is Casilay
April 9, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (W,N) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Muudeey ayaa goor dhawayd Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya u akhriyay warqad is casilaad ah oo ka timid guddoomiyihii Baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.
Xildhibaannada oo maanta u balansanaa in ay ka doodaan mooshinka ka dhanka ahaa guddoomiyaha ayaa mar kaliya ka war helay qoraalka ka soo baxay Prof Jawaari sheegay in uu iska casilay xilkii guddoonka Baarlamaanka.
Guddoomiye ku xigeeenka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Muudeey ayaa xildhibaannada u sheegay in maalinta Arbacada ah uu khudbad ka jeedin doono Jawaari Golaha Baarlamaanka.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Prof Jawaari oo ka hadlaya waxaa ka jira in uu iska casilay xilka guddoomiyihii Golaha Shacabka oo baarlamaanka uu ka hor sheegay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Cabdiwali Muudeey. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|