|
|||||
WAJAALE NEWS
Golaha Wakiillada oo ansixiyey Hanti-dhowraha guud ee Qaranka
April 8, 2018 - Written by Editor:Hargeysa(W.N)-Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa cod aqbaliyada ku ansixiyey Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Dirir, kaasoo dhawaan Madaxweynuhu u magacaabay Hay’adaas. Fadhigan Golaha oo uu Shir-guddoominayey Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, kana soo xaadireen 51 Xildhibaan, ayaa waxa ansixinta Guddoomiyaha Hanti-dhowrka u aqbalay 49 Mudane, cid diiday ma jirto Guddoomiyuhuna muu codeyn, sidaas ayaanu ku ansaxay. Dhanka kale, ka hor intaan loo codeyn ansixinta Hanti-dhowraha waxa mudaneyaasha u akhriyey taariikh nololeedka, aqoontiisa iyo Khibradiisa waayo-aragnimo, Xoghaye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Jamaal Jaamc. Halkan hoose ka Daawo Muuqaal:
Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Dirir, ayaa hore u soo noqday Maareeyaha Dekedda Berbera iyo Maareeyaha Xafiiska Dawladda u qaabilsan xidhiidhka Hay’adda Qaramada midoobay ee WFP. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa 4-tii Bishii Janaury u magacaabay xilkan maanta Golaha Wakiilladu u ansixiyeen ee Hanti-dhowraha guud. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|