Furihii Fidnada, W/Q: Cali Cabdi Coomay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Furihii Fidnada, W/Q: Cali Cabdi Coomay
April 26, 2018 - Written by Reporter:

Maaha laba wejiile waxa uu si cad u jidh diidaa qofka cadowgiisa ah, ma salaamo, magaciisa laguma soo hadal qaadi karo, wax xidhiidh ah oo toosan

Wuxuu ku maxaafsadaa shaadh dhaqan, hasayeeshee waa shar iyo shaydaan ay weheliso iimaan la’aani oo ay madax martay kursi jacayl. Wax kastana ka hormariya wixii uu marin lahaa hungurigiisa bilaa xadka ah ee hadh habeen u heelan inuu cuno wixii soo gala xaaraan iyo xalaalaba. Waa ciyaalo suuq aan meelna u soo marin dhaqanka wanaagsan iyo milgaha suuban ee Soomaalidu leedahay, waxaanu inta badan ka fikiraa dareenkiisa jinsiyadeed, waana calooshii la ciyaar aan lahayn aragti fog iyo mustaqbal-ku-foognaan ah. Markuu suuqa marayo wuxuu ka talaabsadaa sinta bidix, ka dib tuur aanu lahayn ayuu isu-yeelaa.

 

Nin waayeel ahaa, ayaa isagoo yaaban dib u jaleecay, markaasu si hoose oo xan ah u yidhi” alla ku doori, waar muxuu ahaa qofkan sillooni?” Socodkiisan iyo dharkan uu xidhan yahay ayuu aaminsan inuu ku helayo milgo, maamuus iyo qadaran. Gaalnimo laguma sheeki karo oo wuu ashahaataa, hasayeeshee waxa kale oo cibaado ah kuma daro. Da’diisu ma weyna mana yara, hasayeeshee wejigiisa waxaad moodaa 80 jir adduun in badan soo daaqay. Waa shakhsi hadal-dabacsan, oo aan weligii dadka kula hadal luuqad adag, dhaqankiisa ku salaysan miskiinimo, degnaan iyo aamusnaan ayaa la moodaa inuu yahay awliyo soo daahirtay, balse waa munaafaq ilaahay ka go’ay.

 

Maaha laba wejiile waxa uu si cad u jidh diidaa qofka cadowgiisa ah, ma salaamo, magaciisa laguma soo hadal qaadi karo, wax xidhiidh ah oo toosan ama dadban lama yeesho. Mar kasta waxa fooda wejigiisa ku qoran inuu cadow la yahay qofkaasi. Haddii aad saaxiib la tahay, si fiican ayuu kuu soo dhaweyn, wuu ku salaami, ku koolkoolin, sheeko wanaagsan ayuu kula yeelan, danta aad leedahay iyo ta uu leeyahay weydin ka wada hadli. Beenta ma yaqaan, hadalka inta cad ayuu ka yaqaan, xoriyad dhamaystiran ayuu haystaa, wixii uu diido isla goobta ayuu kaga fal-celiyaa Waxba dib uma dhigto, waxba ma xeeriyo, cidna uma habarado. Hadday bir ka adag tahay wadnaha ayuu hadalka ku jaraa.

 

Weligii hadal run ah kuu sheegi mayo, markaad tidhaa maxaad balantii aynu lahayn u jartay wuxuu sheegayaa marmarsiyo amma hawl la soo daristay, laakiin been ah. Luuqada iyo erayada uu ku hadlayaa way wanaagsan yihiin, sida walaal, walaalo, fiican, maansha allah, ilaahay mahadi, al-xamdu li laah, bash bash iyo barwaaqo. Laakiin dhammaan kalmadani hoos uma dhaadhacsana, waa afka barkiisa oo cunaha kama daadagaan. Waayo salad, soon, sako iyo samofal toona midna shuqul kum laha. Kumana dhaqmo kalmadahan fiican. Heerka ay munaafaqadu ka gaadhay waalidkii ayuu kula dhaqmaa “ Fajida”. Oo waxaad arkaysaa aabihii oo ka cabanaya inuu kaga baxay balanqaad oo beentiisa iyo runtiisa aan la kala garanayn.

 

Wuxuu dhaqan u leeyahay inaanu weligii xanaaqin, haddii uu xanaaqana aan laga dareemin, xitaa aan wejigiisa laga dareemin xanaaq. Markasta wuxuu halhays hoose ka dhigtaa in si aamusan bulshad loola dhaqmo, qofkii kuul yimaad hadal run ah amma hadal cad in loo dhigo”Faji” oo si qarsoon looga aargoosto. Faji waa eray suuqdi ah oo micnaheedu yahay in mu’aamarad qarsoon qof loo dhigo.

 

Cali Cabdi Coomay

 

Suxufi, qoraa ah.

 

Hargaysa, Soomaalilaan

 

Calicoomay@hotmail.com

 

 

COMMENTS
LINKS