|
|||||
WAJAALE NEWS
Fatahaad Ku Dhufatay Qeybo Ka Mid Ah Dalka Kenya
April 25, 2018 - Written by Reporter:Nairobi (W,N):- Kanaallada ugu waaweyn dalkaasi Kenya ayaa xiligan qarka u saaran in ay karkaaraada jabsadaan, kaddib Roobab Lixaad leh oo da’aya sida laga soo xigtay Laanqayrta Cas ee Kenya.
Abbas Gullet, oo ah madaxa Laan-Qayrta Cas ee Kenya, ayaa sheegay in ay uga digayaan dadka ku dhaqan gobollada Bariga iyo Bartamaha Kenya in ay u guuraan dhulka sare si ay uga nabad-galaan khaatar ka dhalan karta fatahaada.
Waxaa uu sheegay in 200,000 ay horeyba uga barakaceen daadadkan, waxaana ay qaarkood hadda hoy ka sameysteen dugisyada waxbarashada, halka kuwa kalana ay deegaansanayaan dhul cidlo ah oo ay is leeyihiin waad uga nabad-gali kartaa fatahaada.
Waxaa lagu shaaciyay baraha bulshada sawiro muujinaya saameynta ay dadka ku yeesheen fatahaadan gaar ahaan xubin ka tirsan Laanqayrta Cas oo caawinaya nin waayeel ah oo jooga koonfurta Bari ee Tana River, halkaa oo 50,000 oo qoys ay ka barakaceen guryahooda. Related posts:Hogaamiyaha Tigreega Oo Sheegay Halka Uu Joogo, Hanjabaad Culusna Udiray Raysal-wasaaraha Itoobiya. Somaliya: “Iyadana Ma Belaayaa Ka Hig Leh, Mise Way Ka Heshiin Caqabadaha Hor Yaal Doorashada?Siyaas... Waftigii Somaliland Ee Safarka Ugu Maqnaa Taiwan Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Kana Warbixiyay Waxya... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|