“Farmaajo Inta Aanu Berbera ka Talin Horta Xaafadda Wardhiiglay Ee Madaxtooyadiisu Ku Taal Maka Taliyaa? Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Farmaajo Inta Aanu Berbera ka Talin Horta Xaafadda Wardhiiglay Ee Madaxtooyadiisu Ku Taal Maka Taliyaa? Cali Guray.
April 25, 2018 - Written by Editor:

HAATUU BURHAANAKUM

Haddii ay Run Tahay in Farmaajo cid u saxeexi karo Dekedda Berbera haddaba Saldhig ha u soo saxeexo cidda uu doonayo oo bal ha la timaado Berbera. Ma jirto cid uu u soo saxeexay oo Somaliland ula timi saxeex uu leeyahay iyo cid ula iman karta midina. Sheekada socota waa dhako kale oo Maxamed Bulxan wuxu yidhi:

NINKII BAXAYA BUURAHA JINKAA LOO BIDHBIDHIYAAYE

BOORAAMO HADIMAA IBLAYS UGA BIDHAAMAAYE.

Dawladda Muqdisho waxay si cad u beenisay in wax saxeexday daaye in

Aan xataa waxba laga ogaysiinin, dawladda Somaliland waa la ogyahay oo cid ula timi saxeex cid kale ma jirto. Tan kale Imaaraadka iyo dawladda Muqdisho waxay iyagu hoos isu yidhaahdeen hadii ay jirto iyo hadii aanay jirin, hadii ay isla ogol yihiin iyo hadii aanay isla ogolaynba maxaa ka khuseeya Somaliland hadiiba ay xataa wax is yidhaahdeen Somaliland ma markhaatibaa la gashaday mise wax bay ka ogayd oy ka sheegi kartaa? Heshiiska Horimarinta Dekedda Berbera waa la yaqaan ee Somalia miyay qayb ka tahay? Arinka Saldhiga Milatariga isagana in aan Somaliland iyo Imiraadka cid kale ku wehelin waa la ogyahay Somaliya miyay qayb ka tahay?

farmaajo

Waar sheekadani waa iska cadaan mugdina ku jiri mayso cidda wax wada gashay Berbera ayay joogaan shaqadina way socotaa kuwa waxa sheegaya HAATUU BURHAANAKUM SAW MAAHA? Ha yimaadaan Berbera haday wax isla hayaan.

Berbera hadh cad baa lagu kala adkaaday hadii aan lagu kala adkaanin Somalilandba may jirteen ee waxa ka talin lahayd dawladda Muqdisho ee meeday oo halkay ka talisaa? Farmaajo inta aanu Berbera ka talin horta Xaafadda Wardhiiglay ee Madaxtooyadiisu ku taal ma ka taliyaa iska daa meel kale eh?

 

CALI MAXAMED YUUSUF CALI GURAY.

COMMENTS
LINKS