|
|||||
WAJAALE NEWS
Falanqaynta Miisaaniyadda 2018; Kharashaadka Madaxtooyada Iyo W, Maaliyadda Oo Ka Badan Dhamaan Kharashka Loo Qoodeeyay Wasaaradaha Horumarka.
April 8, 2018 - Written by Editor:Halkay Kaga Jiraan Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 Kharashaadka Mashaariicda Dawladda Ee Lagu Sheegay 34.5%? Xogo dheeraadaQORMADII AFRAADHARGAYSA(W,N) Waa Qormadii Afraad Ee Aynu ku falanqayno Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 oo ah mid ka Marag kacaya In uu ka Muuqdaan Dhaliilo Badan, ,mar kale,waxaad Ogaanaysaa in Bulshada S/land la marin Habaabinayo oo waxa loo sheegayo iyo xaqiiqda ku qoran Miisaaniyaddu ay yihiin kuwo aad u kala fog.iyadoo Odoroska Miisaaniyadda 2018 marag cad looga dhigi karo heerka Aqooneed iyo Waayo Aragnimo Ee Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi . Ugu horayn,sida ku cad Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 waxay Noocyada Kharashaadka ku jiraa u qaybsamayaan 4 qaybood oo kala ah sidann:- Kharashka Shaqaalaha 662,029,029,120 39 % Kharashka Hawl-socodsiinta 354,285,963,297 21 % Mashaariicda Dawladda 581,470,458,373 34.5 % Biilasha Taagan 89,470,458,373 5.3 % Wadarta Guud Ee Miisaaniyadda 2018 Tahay 1.678,000,000,000 100 % Dhanka kale,Kharashaadka Madaxtooyada ugu jira Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 waa kharash dhann 120,671,383,042 (Boqoll iyo Labaatann Billyan Lix Boqol iyo Kaw iyo Todobaatann Millyann Sadex boqol iyo sadex sideetann kunn,Sideed boqol iyo shann iyo sideetann Shiling S/land).Halka Wasaaradda Maaliyadda ay ugu jiraan kharashka dhann Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 232,645,589,152 (Laba boqol iyo Sodon iyo Laba Billyann Lix Boqol iyo Afartann Shann Milyann Shann boqol Sideetann iyo sagaal kunn boqol konton iyo laba Shiling S/land) iyadoo Wadarta guud ee labada Wasaaradood ugu jira Miisaaniyadda 2018 ay dhann tahay.353,316,972,194 (Sadex boqol Konton iyo Sadex Billyann Sadex boqol Lix iyo tobann Millyann Sagaal boqoll iyo Laba iyo Todobaatann kunn Boqol sagaashann iyo Afar Shiling S/land) oo u dhiganta kharashka hawl socod siinta ee Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 ka noqonaya 21 % . Waxaana Xusid mudan,in labada Waaaradood kharashaadka ugu jira Miisaaniyadda 2018 uu u dhigmo Kharashka Hawl-socodsiinta guud ahaan Wasaaradaha dalka,Ciidamada kala duwan iyo dhamaan laamaha dawlada S/land 354,285,963,297. isla markaana uu ka badan yahay Kharashaadka ugu jira Miisaaniyadda 2018 Sideed Wasaaradood oo Horumarinta Bulshada Qaranka S/land ka sheqeeya. Sidoo kale,Waxay Warbixintani Daboolka ka qaaday in Mashaariicda dawlada 2018 ku jira ay yihiin kuwo af-gobaadsi ah sida ku cad miisaaniyad Sannadeedka 2918 waana sidann :-
1: Kharashaadka Wasaaradda Beeraha loo qoondeeyay Mashaariicda dawlada iyo Horomarinta Wax soosaarka Beeraha waa sidann :- Mashruuca Beeraha Wajaale,Beer iyo Oodwayne 3,000,000,000 Kharashka wacyi galinta Beeralayda 120,000,000 Kharashka Mashruuca Saadaasha Hawada 500,000,000 Kharashka la dagaalanka Ayaxa 100,000,000 Mashruuca Tijaabada Beerista Timirta 117,000,000 Kharashka Iibsiga Gaadiidka Cagafyo 1,000,000,000 Wadarta guud ee Mashaariicda dawlada iyo Horumarinta 4,837,000,000 Mar kale,waxaa xusid mudan in Kharashaadka la taliyayaasha ugu qoran Wasiirka Wasaaradda Beeraha ugu jirta Miisaaniyadda Sannadka 2018 waxuu dhann yahay 3,184,800,000 Sadex Billyann boqol iyo Sideetann iyo afar Milyann iyo Sideed boqol oo kunn . 2: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga waxaa loo qoondeeyay Mashaariicda dawlada iyo Horomarinta ee ka faa”iidaysiga Xoolaha iyo Kaluunka . Kharashka baadhista iyo Daraasaadka Khayraadka Badda 400,000,000 Mashruuca Tijaabada Taranka Xoolaha 3,000,000,000 Mashruuca qool caday iyo Aroori 624,000,000 Dhismaha Dakada Kaluumaysiga 1,500,000,000 Kharashka Iibsiga Calafka Xoolaha 200,000,000 Mashruuca daawaynta Xoolaha 3,671,844,000 Dhismaha shaybaadhka xoolaha 900,000,000 Kaalmada Jaamacadda Badda 700,000,000 Wadarta guud ee Mashaariicda ugu jirta Miisaaniyadda 2018 Wasaaradda X Xoolaha iyo Kaluumaysiga ayaa ah sidann. 8,195000,000 3: Wasaaradda Biyaha waxaa loo qoondeeyay Mashaariicda dawlada ee Horomarinta Biyaha sidann:- Masruuca biyo joojinta dooxyada 1,000,000,000 Kharashka Daryeelka Ceelasha 2,300,000,000 Machadka Culuumta Biyaha 118,000,000 Dhismaha xafiir Dhaam 4,500,000,000 Dhismaha hantida kale ee Qodista Riigaga 4,000,000,000 Wadarta guud ee Mashaariicda ku jirta Wasaaradda Biyaha ayaa ah 11,918,000,000 4 : Wasaaradda Waxbarashada waxaa loo qoondeeyay Mashaariicda dawladu ku Horomarinayso ama ku tayaynayso Waxbarashada dalka S/land waa sidann :- Dhismaha dugsiga tabobarka Macalimiinta 800,000,000 Dhismaha dugsiga Halldoor 540,000,000 Dhismaha Dugsiga ina qarbooshe ee Qoton dabo 250,000,000 Wadarta guud ee Mashaariicda ku jirta Wasaaradda Waxbarashada waa 1,590,000,000 Wasaaradda Caafimaadka loo qoondeeyay Mashaariicda dawladu ku Horomarinayso Caafimaadka Bulshada S/land waa sidann :- Kharashka Cusbitaalka hargaysa 1,290,000,000 Kharashka Cusbitaalka Magaalada Sheekh 2.700,000,000 Kharashka Cusbitaalka Sheekh 134,000,000 Mishiinka kalyaha sifeeya iyo dawadiisa 1,020,000,000 Iibsiga Qalabka Cusbitaalka Burco 1,000,000,000 Iibsiga Qalabka Cusbitaalka Hargaysa 1,000,000,000 Iibsiga Qalabka Shaybaadhka 4,800,000,000 Dhismaha Cusbitalka Umulaha Hargaysa 1,500,000,000 Wadarta guud ee Mashaariicda dawlada ee ugu jirta horomarinta Caafimaadka Miisaaniyaddu 2018 waa sidan :- 13,444,000,000. Ugu dambayn,markay Wadarta guud ee Mashaariicda dawlada ee ugu jirta Miisaaniyadda 2018 ay noqonayso 39,984,000,000 . Waxaase iswaydiin mudan,Halkay kaga jiraan Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 Kharashaadka Mashaariicda Dawladda ee lagu sheegay 34.5 % ? WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE WAJAALE STAFF EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM LASOCO COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|