Falanqaynta:-Goll-daloolooyinka Dull Hoganaya Miisaaniyadda 2018 Iyo Dareenada Ku Xeeran Hoos U Dhaca Kharashaadka Wasaarradaha Ay Maamulaan Masuuliyiinta G/ Awdal! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Falanqaynta:-Goll-daloolooyinka Dull Hoganaya Miisaaniyadda 2018 Iyo Dareenada Ku Xeeran Hoos U Dhaca Kharashaadka Wasaarradaha Ay Maamulaan Masuuliyiinta G/ Awdal!
April 4, 2018 - Written by Editor:

Qormadii 3 Aad

HARGAYSA(W,N) Wasaaradda Maaliyadda waa markii u Horaysay ee loo Magacaabo Wasaaradda Maaliyadda Masuul dhalinyaro ah oo muddo badan ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda,iyadoo dhamaan Wasiiradii soo maray Wasaaradda Maaliyaddu Aanay u magacaabin Maamule Kastamm.Halka darajadii u saraysay ee loo magacaabay ahayd Maamule ku xigeenka Kastamka Kalabaydh,sida ku cad Sooyaalka  Wasiirr Yuusuf Maxamed Cabdi oo aan lahayn Aqoon iyo Waayo Aragnimo uu ku hanto Xillka iyo Masuuliyadda Culus Ee Wasaaradda Maaliyadda,Waxay Magacaabistiisa dadka arimaha Maamulka iyo Siyaasadda sida joogtada ula socdaa ku tilmaameen mid hanaanka xulashadiisa uu qalad wayni ku jiro.

maaliyada iyo madaxtooyada

Inkastoo,Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 dhaliilo badan iyo dheeli badann ka muuqdo,waxaa xusid mudan in Wasaaradaha qaar loo kordhiyay halka qaarna Sadex meelood marka loo qaybiyo meel looga jaray kharashaadkii ugu jiray Miisaaniyaddii 2017,waxaana ka mida Wasaaraddaha iyo Hayadaha kharashaadkoodii aadka loo dhimay,Wasaaraddaha Ganacsiga Warshadaha,Dalxiiska, Qorshaynta Iyo Hayada Shaqaalaha Dawlada oo dhamaan Masuulka ugu sareeyaa ka soo jeedo G/Awdal.

Sida ku cadd,Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 Wasaaradda Ganacsiga oo lagu daray Wasaaradihii Warshadaha iyo Dalxiiska kharashaadka ugu jira Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018  waxuu  dhann tahay 15,350,244,862.Halka Miisaaniyaddii 2017 marka Sadexda Wasaaradood la isku daro ay ugu jireen kharash dhann 18,216,668,920.Mar kale, waxaa Wasaaradda qorshaynta ugu jira Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 kharash dhann 10,858,961,842 oo 30 %  ka Yar kharashkii ugu jiray Miisaaniyaddii 2017 oo dhannaa 15,159,355,200 waqtiguu Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Maxamed Ibraahin Qabo xillka hayay,iyadoo Hayada Shaqaalaha Dawlada laga dhimay kharashaad gaadhaya 100 % oo ka badan waxaana ugu jira Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 kharash dhann 10,427,989,821.Halka kharashka ugu jiray Miisaaniyaddii Sannadkii 2017 uu dhannaa 24,328,378,617.

Sidoo kale,waxaa ka mida Wasaaradaha kharashka loo kordhiyay 33 % Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada ay ugu jireen Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 kharash dhann 18,431,061,960 . oo ka badan 33 %.Halka Miisaaniyaddii 2017 ay ugu jireen Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada  kharash dhann 5,553,120,040 waqtigaas oo Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiintu ahaa Masuul ka soo jeeda Gobolka Awdal,halka Wasiirka maanta Xillka hayaa uu ka soo jeedo G/gabiley.

Isku soo duuboo,waxaa wax lala yaabo ah in Kharashka uu Maamulayo Agaasimaha Madaxtooyada Maxamed Cali Bile oo dhann 120,671,383,042 ( Boqoll iyo Labaatann Billyan Lix Boqol iyo Kaw iyo Todobaatann Millyann Sadex boqol iyo sadex Sideetann kunn,Sideed boqol iyo shann iyo sideetann Shiling) S/land uu ka badan yahay Kharashaadka ay Maamulayaan dhamaan Wasiirada,Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Dawlada iyo Taliyayaasha sida ku cad Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018,waana mid lagu xusi doono sooyaalka Hogaamineed Ee Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi .

 

LASOCO

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE STAFF

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS