|
|||||
WAJAALE NEWS
Doorashada ka Hor Aragtiyahii Aan ka Qabay Madaxweyne Biixi Maxaa Iska Beddelay?Xaalku Se Hadda Waa Sidee? Qaybtii 2Aad.
April 28, 2018 - Written by Editor:
Fahanka dhaqdhaqaayada siyaasad-dhaqaale-ammaan ee guud ahaan gobolka gaar ahaanna Geeska ayaa jaan-goynaya go’aannada dublamaasiyaddeed ee Somaliland qaadanayso. Inkasta oo in dhaweyd xagga dheesha siyaasadda debedda aad mooddo in Soomaaliya ay ka dhaqdhaqaaq badatay, kaga na xoog badatay, taasina aragtiinkayga waxa keenay in uu jiro diyaar garow la’aan dawladnimo adeegsata hannaan maamul oo casri ah, la na jaan-qaadi kara dunida dublamaasiyadda ee danahu hoggaamiyaan. September 11. Dhacdadii dumintii daarihii dhaadheeraa ee Maraykan waxa ay beddeshay Kaalkulastii juquraafi siyaasaddeed ee dunida “Global Geopolitical calculus” waxa aanay noqotay markii ugu horreysay ee xariiqa rabitaanka Geeska Afrika uu madaxa la soo kacay. Sannaddii 2015 ayuu halkii ugu sarreysay gaadhay rabitaanka dunidu rabto guud ahaan Geeska gaar ahaanna, waddamada la jeedka gacanka cadmeed ama badda cas/ bad weynta Hindiya. Dano siyaasadeed, kuwa ammaan iyo qaar dhaqaale oo aynaan u diyaar garoobin habkii aan uga faa’iidaysan lahayn ayuun baan ku baraarugnay iyaga oo inna dul hoganaya. Somaliland waxa ay la kulantay fursad wakhtigu keenay, gaar ahaanna xukuumadda M. Biixi oo hadda aad mooddo in wakhtiga ugu badan ay arrimaha gudaha geliso xilli loo baahnaa in fiiro gaar ah loo yeesho arrimaha debedda, xidhiidhada calaamiga ah iyo danaha dhaqaale ee dawladaha shisheeye. Dawladahan aan hoos ku taxi doono mid kastaa dan weyn ayay innaga leedahay, kala xulashada saaxiibtinimadooduna waa arrin Iyana xeel u baahan. Waxa ka mid ah; Maraykanka, Ruushka, Hindiya, Sucuudiga, Gadar, isu-tagga-imaaraadka, Turkiga, Israa’il, Koonfurta Afrika iyo Masar. Midkastana dan gaar ah oo ay innaga leedahay ayaa jirta, waxa na habboon cadaawad diblomaasiyaddeed in aan aad uga dheeraanno innaga oo danaheenna dhowrannayna. Hadalkii Madaxweyne Biixi ee eedeyntii Dawladda Gadar cadaawad ma ogi’e wax dheef ah oo aan Qaran ahaan ka heli karnaa iima muuqato. Haddii aan la heshiino Imaaraadka macneheedu maaha in aan Gadar col nahay, haddii aanay Imaaraadku shuruud kaga dhigin madaxweyneheenna, taasi oo iyada lafteedu ah mid lid ku ah garashada feyow iyo kasmada hagaagsan. Halkaana waxa laga dheegi karaa in siyaasadda arrimo debeddeed go’aannada xukuumadda Madaxweyne Biixi ay ka gaadhaysaana ay yihiin kuwo laga fahmi karo qabyo badan iyo macluumaad yaraan. Waxa aanan qabaa haddii ay xukuumaddu dersi lahayd arrimaha hoos ku xusan in ay gegada duplomaasiyaddeed guulo waaweyn oo dadka iyo dalku ba ku badhaadhaan ka soo hoyn lahayd. Arrimahaa fahanka dheeriga ah innaaga baahnaa waxa ka mid ahaa;
III. Dheelliga hoggaanka dunida ee Galbeed iyo Bari. The future of the power/ Power transition.
Suurto-galnimada halista ammaan ee argagixiso iyo muuqashadii budhcad baddeedda oo khatar gelisay badeecadaha iyo shiidaalka mara marin biyoodka Baabul-mandabka oo ah dariiq biyoodka isku xidha, Afrika,Yurub iyo Eeshiya. Arrimahani waxa ay sare u qaadeen Caymiskii maraakiibta iyo qiimihii ascaarta. Sidaa darteed, ayay waddanno badani ciidankoodii u soo dhoobeen gacanka cadmeed, badweynta Hindiya iyo badda Cas. Halkaana waxa laga oddorasi karaa guud ahaan danaha dhaqaale, ciidan ama ammaan ee gobolka geeska. Waxaana la soo gaadhay xilligii Somaliland ku gorgortami lahayd istaraatejiyadda goobta ay dhacdo. Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham LA SOCO…
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|