|
|||||
WAJAALE NEWS
Diyaarad Laga Leeyahay Imaaraadka Oo Lagu Xayiray Magaalada Boosaaso
April 14, 2018 - Written by Reporter:Boosaaso (W,N) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ay xayireen diyaarad laga leeyahay dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta.
Dad ku sugan Boosaaso ayaa warbahainta u sheegay in loo diiday diyaaradaha in ay ka duusho garoonka kaddib markii ay diideen saraakiishii la soctay diyaarada in la baadho ka hor inta aysan duulin.
Warka arintan ku saabsan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay qaar ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.
Is afgaranwaa ayaa dhex maray ilaalada garoonka iyo dadkii raaci lahaa diyaarada waxaana weli xayiran diyaaradaasi kadib markii ay ka madax adegyeen saraakiisha imaaraadka carabta in la baadho boorsooyinka iyo waxyaalaha kale ee ay wateen.
Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee la xidhiidha xayiraada diyaaradan loo geystey.
Tallaabadan ay qaadeen ciidamada ilaalada garoonka diyaaradaha Boosaas ayaa imanaya xili Axadii ina dhaaftay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho lagu qabtay diyaarad siday lacag dhan $ 9 milyan iyo 600 oo Kun oo dollar oo ka timid dalka iskutaga Imaaraadka Carabta.
Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews.net Hargaysa Office Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|