Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Binu Salmaan Oo Booqday Xarunta Hollywood-ka Ee Maraykanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Binu Salmaan Oo Booqday Xarunta Hollywood-ka Ee Maraykanka
April 6, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- Dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed Binu Salmaan ayaa aad loogu soo dhaweeyay naadiga hobolada aflaanta ee Hollywood-ka ee dalka Maraykanka, kadib markii Sucuudiga uu mamnuucistii ka qaaday daawashada aflaanta.

 

Muddo 35 sano ayay aflaamta mamnuuc ka ahaayeen Sucuudiga, iyaga qaadista xayiraadaasi ay si weyn usoo dhaweeyeen dadka maalgashada aflaanta iyo kuwa sameeya.

Maxamed Bin Salmaan ayaa casho sharaf loogu sameeyay guriga ninka taajirka ah ee Rupert Madock, ee ah mulkiilaha shirkadaha warbaahinta iyo waliba dad sarsare oo ka tirsan bahda aflaanta.
Dadka munaasibada cashada ka qeybgalay waxaa ka mid ah jillaaga caanka ah Dwayne “The Rock” Johson, kaas oo qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook ku sheegay in uu socdaal ku tagi doono dalka Sucuudiga kadib casuumaad uu ka heley qoyska boqortooyada.

Wuxuu intaas ku daray in uu Sucuudiga u qaadan doono khamriga loo yaqaano tequila oo ka mid ah kuwa ugu qaalisan.

 

Khamri iyo Sucuudiga?
Khamriga muddo dheer ayuu mamnuuc ka ahaa Sucuudiga, qofkii lagu helana waxaa lagu xukumi jiray jeedal, balse hadda wakhigan aad ayuu isu badalay.

Waftiga balaadhan ee la socday Maxamed Bin Salmaan ayaa qabsaday hoteelkii oo dhan, iyada oo meeshana lagu soo bandhigay wax kasta, laga bilaabo muusig illaa cunto nooc  kasta leh iyo sharaab.

Sharaabkaas waxaa ka mid ah Khamriga oo noocyo aad u kala duwan ah, waxayna ahayd habeen aad loo caweeyay.

Shirkad lagu magacaabo AMC oo soo saarta Aflaanta oo Maraykanka laga leeyahay, ayaa qorsheynaysa in ay Sucuudiga ka furto illaa 30 shineemooyin ah.

Dadkii kale ee cashada ka qeybgalay waxaa ka mid ah Rick Licht oo ah agaasimaha shirkadda Hero Ventures, wuxuuna sitay dubbaha uu caanka ku yahay filimka Avengers ee Hollywoodka.

Rick waxa uu doonayaa in uu Sucuudiga geeyo kaydkiisa guurguurta ee lagu magacaabo The Marvel Experience. Halkaas oo waxyaabaha ceynkan oo kale ah ay mamnuuc ka ahaayeen.

Wakaaladda madadaalada Sucuudiga ayaa soo bandigtay in ay dadka Sucuudiga 70% ay da’dooda ka yartahay 30 jir, kuwaas oo hammuun badan u qaba madadaalo. Dadka Sucuudiga waxa ay tiro ahaan dhanyihiin 32 Milyan oo qof.

Booqashada Maxamed Salmaan ayaa farxad weyn u ahayd bahda Hollywood-ka, kuwaas oo aflaanta ay jillaan inta badan ku matala Amiir ama Amiirad, kuwaas oo uu jacayl daran dhexmaray, sidaasi darteed markii uu u tagay dhaxalsugihii rasmiga ahaa oo wata hanti badan, aad ayay ugu farxeen.

COMMENTS
LINKS