Dawlada Imaaraadka 50 Milyan Oo Dollar Ku Bixinaysa Dib U Dhiska Masaajidkii Qadiimiga Ahaa Ee Magaalada Mowsil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Imaaraadka 50 Milyan Oo Dollar Ku Bixinaysa Dib U Dhiska Masaajidkii Qadiimiga Ahaa Ee Magaalada Mowsil
April 24, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- Dawlada Imaaraatka Carabta ayaa ku bixinaya 50 milyan oo dolar dib u dhiska Masaajidka qaddiimiga ah ee magaalada Mowsil oo ay mar sii horreysay burbur u gaysteen kooxda la magac baxday Dawladda Islaamka.

 

_101012436_afe61c5a-0c43-42f2-933e-826b4e3414ad

Laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa sheegtay in mashruuca shanta sano qaadanayo uu soo celin doono dhismihii masaajidka Al-Nuur gaar ahaan Minaaradda la burburiyay ee uu caanka ku ahaa.

Waxay ahayd goobtii uu hoggaamiyaha ‘ Dowladda Islaamka’ shaaca kaga qaaday asaaska kooxdaas sannadii 2014.

Al-Nuur waxaa ka hadhay oo kaliya ah aasaaska hoose ee minaaradda iyo qaar ka mid ah tiirarkii hayay masjidka.

Xilliggaasi, Ra’iisul wasaaraha Ciraaq wuxuu ku tilmaamay in burburka masaajidka uu ahaa ‘dambi taarikhii ah’ wuxuuna ku dhawaaqay dagaal magaalada Mowsil looga saarayo kooxda.

Dagaalka Mowsil ayaa socday muddo sagaal billood ah, khasaare ballaadhan ayuuna dhaliyay. Kummannaan rayid ah ayaa ku dhintay halka in ka badan 900,000 oo qofna ay ka barakaceen magaalada.

Agaasimmaha guud laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarshada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) ayaa Isniintii sheegtay inay Imaaratka Carabta iyo dowladda Ciraaq kala kaashanayso hawlaha ugu weyn ee dib loogu dhisaayo goobaha dhaqanka ee dalka Ciraaq ee ku burburay dagallada.

Sannadka ugu horreeyo, mashruuca ayaa diiradda lagu saari doona samaynta qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu haggaajinayo masaajidka Al-Nuur.

Afarta sanno ee ugu dambayso mashruuca ayaa lagu soo celin doona dhismihii qaddiimiga ahaa ee Minaaradda, goobta lagu tukado iyo dhismayaal kale oo ka tirsan masaajidka.

Wasiirka arrimmaha dhaqanka Imaaratka Carabta Nuura Al-Kaabi oo ka hadlayay xaflad lagu qabtay magaalada Baqdaad ayaa sheegay ‘in mashruuca dhib u dhiska masaajidka uu rajo wanaagsan gellin doono da’ yarta reer Ciraaq’

Masaajidka qaddiimiga ah ayaa loogu magac daray Nuur Al-Din Maxmuud Zangi oo hoggaamin jiray koox jihaaddoon ahayd oo dhisay masaajidka sannadkii 1172 wakhti yar ka hor inta uusan geeriyoonin.

 

 

COMMENTS
LINKS