Dagaal Culus Oo Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda Soomaaliya Ku Dhexmaray Magaalada Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaal Culus Oo Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda Soomaaliya Ku Dhexmaray Magaalada Muqdisho
April 23, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (W,N) – Dagaal culus ayaa goor dhawayd waxa uu Dugsiga Tababarka ee Jen Gordan ee Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay dhawaan iskaga baxeen saraakiishii Imaaraadka ee halkaa tababarada ciidamada ka waday.

 

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkan uu socday ku dhawaad saacad oo dhanacyadu isku adeegsadeen hub culus.

 

Ma cadda ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana uu imanaya xili wali Imaaaraadku ku guda jiraan daabulida agabkii xerada ka yaalay.

 

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

COMMENTS
LINKS