|
|||||
WAJAALE NEWS
Daawo: Nuxurka Qodobo Adag Oo Ka Soo Baxay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland Ee Maanta
April 26, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa (W,N):- Kal-fadhigii tobnaad (10aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26.04.2018, ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada.
Shirkan, ayaa si faahfaahsan loogaga dooday arrimo ku saabsan dhibaatooyinka dhinacyada kala duwan ee nolosha ka haysta bulshada iyo caqabadaha soo kordhay, waxaana wax la iska weydiiyey sidii wada-jir loogaga bixi lahaa dhammaanba culaysyada kala duwan ee bulshada haysta. Dood iyo falanqayn dheer kadib, kal-gadhiga golaha wasiirrada, waxa kasoo baxay qoddobo door ah oo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa shidaalka wasakhaysan ee dalka soo galay, kaas oo khasaare gaadhsiiyey gaadiid tiro badan, isla markaana ay xukuumaddu u yeelan lahayd shaybaadh casri ah oo lagu hubiyo tayada shidaalka waddanka soo gelaya, waxaana qodobadda soo baxay ay u dhignaayeen sidan:
hay’adda dhawrista tayada ee dalka.
Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu xubnaha golaha wasiirrada uga mahadnaqay doorkii muuqday ee ay ku lahaayeen horumarkii ay xukuumaddu ku tallaabsatay muddadii 120-ka maalmood ahayd ee ay talada hayay.
Related posts:Saamayn Intee Leeg Ayay ku Yeelan Doontaa Garabka Isbahaysiga kulmiye ka Maqnaanshaha Wasiirkii Hore... Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Maanta Xilkiisii si ra... WAR DEG DEG AH- Doonyo Ay Saarnaayeen Tahriibayaal U Badan Soomaali oo 24 Saacadood Ku Xanibnaa Badd... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|