Daawo: Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Sheekh Shariif Oo Taageero U Muujiyey Dawlada Imaaraadka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Sheekh Shariif Oo Taageero U Muujiyey Dawlada Imaaraadka
April 17, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N):- Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu taageero u muujiyey dalka Imaaraadka Carabta, waxana uu wareysi siiyey telefishanka Al Carabiya oo xaruntiisu tahay Dubai.

 

Sidoo kale Sheekh Shariif  ayaa sheegay in cilaaqadka Soomaaliya iyo Imaaraadku ay xoogeysteen wakhtigii uu madaxweynaha ahaa isla markaana ay wakhtigaas dawlada Soomaaliya Imaaraadka ka codsatey tobabarka ciidamada, waxaana uu carabka ku dhuftey In dawlada Imaaraadku aaney Soomaaliya waxba ka hakranin.

 

Dhanka kale Sheekh Shariif ayaa sheegay in uu hada ka war qabo in aaney wanaagsanayn xidhiidhka Soomaaliya iyo Imaaraadku isla markaana uu taas awogeed uu Moqdisho u tagay lana kulmay madaxda una sheegay sida ay xaalada mandaqadu tahay iyo waxa ku haboon in laga yeelo, Waxana uu sidoo kale Sheekh Shariif Ayaa waxaa uu ka hadley diyaarad imaaraadka lacag u siday oo dhawaan lagu qabtey garoonka Moqdisho waxaana uu cadeeyey in ay arintaasi ka baxsaneyd xayn daabka Diblumaasiyada isla markaana ay jabisay heshiisyada labada dal.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/_NNH17PqiWI

 

 

 

COMMENTS
LINKS