Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Dhalinyaro Hal-abuur Cusub Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Dhalinyaro Hal-abuur Cusub Ah
April 4, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay 14 (Afar iyo toban) dhalinyaro reer Somaliland ah oo wiilal iyo gabdho isugu jira, kuwaas oo maskaxdooda ka curiyey hal-abuurro kala duwan oo dhinaca ganacsiga iyo wax soo saarka ah.

 

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay dhalinyarada hindistay hal-abuurrada kala duwan ee dhinacyada ganacsiga iyo nolosha isugu jira oo ka qabsoomay xarunta aqalka madaxtooyada Somaliland maanta, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Maalgashiga iyo Dhallinyarada & ciyaaraha, Md. Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) iyo Yuusuf Mire Maxamed, Maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo la taliyaha madaxweynaha ee dhinaca arrimaha bulshada, mudane Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, waxaana uu madaxweynuhu dhammaanba dhalinyaradaas kaga dhegaystay xogo dheeraad ah oo ay ka bixiyeen hal-abuurkooda, caqabadaha ka hor yimi iyo guulaha ay ku tallaabsadeen.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/ZgOTmQNDwK0

 

COMMENTS
LINKS