Daawo: Gudoomiye Cirro Oo Hada Ka Hadlay Muranka Ka Taagan Jagadii Uu Baneeyay Marxuum Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Gudoomiye Cirro Oo Hada Ka Hadlay Muranka Ka Taagan Jagadii Uu Baneeyay Marxuum Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe
April 26, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N):- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ka hadlay muran ka taagan jagada golaha wakiillada ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahin Axmed Haybe.

 

Sidoo kale Gudoomiye Cirro ayaaa waxaa layaab ku tilmaamay in guddida doorashooyinku Maxkamadda sare gayso magacyada Xuseen Axmed Caydiid, Maxamed Muuse Abees iyo Marxuum Ibraahin Kacaan kana dalbadaan in maxkamaddu caddayso cidda kursiga xaq u leh.

 

Dhanka kale Gudoomiye Cirro Waxa uu ka digay in wax faro gelin ah lagu sameeyo arrinta waxaanu sheegay in uu jiro tuhun ah in xukumaddu aanay jeclayn in Xuseen Axmed Caydiid soo galo golaha, sidaas awgeedna ay muranka u abuurayso waxaanu ku baaqay in si caddaalad ah loo siiyo cidda kursigaasi xaqa u leh.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/XZcvkWbNZWU

COMMENTS
LINKS