Daawo: Ehelada Laba Wiil Oo Ku Afduuban Garoowe Oo Ka Hadlay Xaalada Ay Ku Suganyiin Caruurtoodu | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Ehelada Laba Wiil Oo Ku Afduuban Garoowe Oo Ka Hadlay Xaalada Ay Ku Suganyiin Caruurtoodu
April 5, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- Hooyo Sahra Iimaan Siciid oo dhashay mid ka mid ah laba wiil oo ku afduuban magaaladda Garoowe, waxaanay ka warbixisay qaabkii loo kaxaystay iyo shuruudda lagu xidhay siideyntooda.

“wiilkayga iyo wiilkan kale waxay Hargeysa ka baxeen jimcihii hore waxaanay Garoowe u tageen inay Paaspooro ka soo samaystaan, haseyeeshee koox deegaanka ayaa afduubatay waanay nala soo hadal siiyeen, waxaanay yidhaahdeen labadan wiil waxaanu u haysana Nin ku xidhan xabsiga Burco oo dawladda Somaliland haysato, waxaanay sheegen marka ninkaasi la soo daayo uun baanu siidaynaynaa, anaguna awood aanu kula kulano dawladda ma nihin, waxaan ka codsanaynaa inay noo siidaayaan caruurtaasi”ayey tidhi hooyo Sahra Iimaan.

 

Hooyo Sahra Iimaan waxay sheegtay in dadkan afduubtay laban wiil ay doonayan nin la sheegay inuu Kaalkacyo ka yimid oo gabadh yar oo ay xaaskiisu nin kale u dhashay uu kufsada ka dibna Cisbitaalka Burco loo keenay inay gabadhaasi lagu daweeyo haseyeeshee kufsigii soo gaadhay u geeriyootay.

Waalidkan dhalay labadan wiil ee afduuban waxay maamulka Puntland iyo dadkan caruurtooda u afduuban yihiin ka codsanayaan in caruurtooda loo siidaayo.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

COMMENTS
LINKS