Daawo: “Boqor Buurmadow Waa Qaran Dumis Waa In La Xidho”Xildhibaan Nacnac | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: “Boqor Buurmadow Waa Qaran Dumis Waa In La Xidho”Xildhibaan Nacnac
April 17, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N):- Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu ku baaqay in xabsiga la dhigo boqor Buurmadow oo uu sheegay in hadalo lidi ku ah Somaliland uu ka jeediyey munaasibad dhaqan oo ka dhacdey Degmada Carmo ee maamulka Puntland.

 

Sidoo kale Xildhibaan Nacnac ayaa madaxweynaha Somaliland ugu baaqay hadii aanu fikirkaas la qabin boqor Buurmadow in deg deg loo xidho maadama oo uu ku sifeeyey in uu yahay danbiile Qaran.

 

Dhanka kale Xildhibaanka Nacnac ayaa waxaa uu ka Hadley muran ka taagan laba siyaasi oo isku haysta kursi xildhibaan nimo oo ka banaanadey golaha wakiilada Somaliland, waxaana uu carabka ku dhuftey in ay la yaabtahay sababta kursigan muranka galisay ee kuwii hore u galin weyday.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/0_HdYLpd3Nk

COMMENTS
LINKS