Cirro Oo Gudoomiye Saleebaan Ugu Baaqay Inuu Xilka Iska Casilo, Kuna Taliyay In Gudoomiyaha Guurtida Loo Dhiibo Sheekh Aadan Siiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cirro Oo Gudoomiye Saleebaan Ugu Baaqay Inuu Xilka Iska Casilo, Kuna Taliyay In Gudoomiyaha Guurtida Loo Dhiibo Sheekh Aadan Siiro
April 29, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N):- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ugu baaqay guddoomiyaha golaha guurtida inuu ka nasto xilka shirguddoonka, islamarkaana kursigaas loo doorto Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro), si buu yidhi uu isla xisaabtan dhab ahi u yimaado.

 

Cirro ayaa xalay saxaafadda kula hadlay magaalada Burco oo uu shalay gelinkii dambe safar ku tagay, waxaanu sidoo kale ka hadlay xukunka lagu riday boqor Cismaan Buurmadoow oo uu xadhigiisa ku tilmaamay mid siyaasadeed. “Gudoomiye Saleebaan Muddo qaranka wuu u soo shaqeeyey waxaana maanta la gaadhey wakhtigii uu ka nasan lahaa mansabkaas ee loo dhiibi lahaa shaqsigii halkaas ka sii wadi lahaa. Waxaan soo jeedin lahaa in Golaha Guurtida guddoomiye looga dhigo Sheekh Aadan-Siiro si isla xisaabtan dhab ahi u yimaado ” ayuu yidhi cirro.

 

Cabdiraxmaan-Cirro, waxa kale oo uu ka hadlay xukunka lagu riday Boqor Buurmadoow, waxaanu yidhi “Xal uma arko in lagu deg dego xadhiga madax dhaqameedka , dariiqa xadhiga boqor Buurmadow loo maray waa sharci daro , Waxaana loo xidhay wax aan aheyn waxii lagu soo eedeyey. Boqor Buurmadow uma xidhna safarkii uu Puntland ku tagay , waxaa loo xidhay Boqorka muran ka dhaxeeya Kulmiye dhexdiisa oo ah soo wareejinta gudoomiyaha Kulmiye , Muuse [Madaxweynaha] waxaan leeyahay fuli waxii aad kula heshiisay odayaasha ee barigii olalaha gacanta la isku dhiibay.”

COMMENTS
LINKS