Ciidamada Israel Oo Dilay Saddex Ruux Oo Falastiiniyiin Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Israel Oo Dilay Saddex Ruux Oo Falastiiniyiin Ah
April 28, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N) – Wasaaradda caafimaadka ee maamulka Xamaas ee Qasa ayaa sheegtay in ciidamada Israel toogasho ku dileen saddex Falastiiniyiin ah oo ka qayb qaadanayey mudaharaad ballaadhan oo lagaga soo horjeedo gidaarka Israel.

2018428636604733322389516Israaiil-falastiiniyad-dilay

 

Qofkii ugu horeeyey ee dhimashadiisa la xaqiijiyaa waxa uu haa Cabdulsalaam Bakr oo 29 jir ah, waxaanay wasaaradda caafimaadka maamulka Xamaas ee Qasa sheegtay in ay ciidamada Israel madaxa kaga toogteen bariga magaalada Qasa.

 

Israel ayaa sheegtay in boqolaal qof oo mudaharaadayaa isku dayeen in ay gubaan gidaarka dhagaxaan iyo bambooyin laga sameeyey quraarado baatrool ku jira na ay tuurayeen. Waxaanay intaa ku dartay in ciidankeedu adeegsadeen sunta dadka kaga ilmaysiisa, rasaasta rabadhka ah iyo mid nool ba.

 

Dadka abaabulay mudaharaadkan, oo looga gol leeyahay in lagu muujiyo rabitaanka Falastiiniyiinta ee ah in ay ku noqdaan dhulkoodii oo haatan noqday Israel, ayaa Jimcahan ku sheegay kii dhalin yarada.

 

Tan iyo markii ay bannaan baxyadu bilaabmeen bishii hore, ciidamada Israel waxay dileen in ka badan 40 qof oo ay ku jiraan wiil yar oo 14 jir ah iyo laba weriye

COMMENTS
LINKS