|
|||||
WAJAALE NEWS
“Cabdi Qays Halgankiisu Wuu Ka Horeeyay Dadka Waxaanu Ahaa Joogto”. Muj Cali Guray.
April 16, 2018 - Written by Editor:Abwaan Cabdi Qays halgankiisu wuu ka horeeyay daka waxanu ahaa joogto. Riwaayadiisii GAAL IYO ISLAAM GABDHOW YAA KU LEH, waxa ku jirtay hees aan la haysanin sheekadii riwaayadda ee yaabka lahayd. Markii Hargeysa iyo Berbera laga dhigay ayay Burco gaadhay intii aan inqilaabkii 1969ii dhicin een milatarigu dalka qabsanin. Dadka qaarna waxabay yidhaahdaan waa markii uu dhacay inqilaabku marka ay Burco gaadhay. Heestu markii Hargeysa iyo Berbera laga dhigay waxay ahayd afarta bayd ee heesta hore. Burco habeenkii ay ka dhigi lahaayeen ayaa goor casarnimadii ahayd lagu soo wargeliyay kooxdii hadii aan heestaa laga saarin ma dhigaysaan Riwaayadda. Jiq bay ku noqotay laakiin Cabdiqays markiiba wuu Gartay in lagu fahmay heestiina kamuu saarine xal buu keenay laga ogolaaday. Heesta waxa lagu haystay waxay ka hadlaysaa Waqooyi iyo Koonfur(Somaliland iyo Somaliya) oo weliba waxa hadlaya Somaliland oo keliya waayo heesta waxa qaadayay Axmed Mooge oo keliya oo isagu ahaa Arbaha Riwaayadda. Wuxu ka dhigay markii dambe sedex bayd iyo sedex bayd oo uu ku daray waxanay noqotay hees ay kala ragatan Arbihii iyo Qalanjadii riwaayadda oo iyaduna ahayd Hibo Maxamed. Lakiin Nuxurkii heestu isma bedelin ee weli waa halkiisii laakiin Somaliland markan waxa u jawaabaya Somaliya afka suuqa Somalilandna markii hore waxay ahayd WEGERTII oo keliya markii dambena wuxu ku daray MAANSHA ALLADII. KKKKKKKKKKKKK ADUUNBAABA GABADH YAHAY 1 Aduunbaaba gabadh yahay Gedafeeyay timahoo Gego lagu bulsheeyiyo Guur u feedhanaayee Miyuu wiil gayaan ahi Go’dooy maanta nool yahay Geeri weeye caydhuye Sowtan laysay gaajadu Nimaad garabka saartiyo Miyuu geesi muuqdaa Aduubaba geenyooy Guluf iyo dagaaliyo Weerar geli karaayoo Itaal nabar ku gaadhine Geestayada miyuu faras Gaashaan-qaadi joogaa Sowkan caato gaabshee Hiigsanaaya geediga Haddii guunyo lala tago Miyaa logu gurmanayaa Adigaaba Gorayeey Guyaadii Shabeelliyo Naqa goosanaayoo Gurigaa samaadee Gubanka iyo Hawdkiyo Xoolihii geyigu maye Afarteeda geesood Miyay hali ka guuxdaa Wahey guulka oomaa Miyuu ceelba gaadhaa
Adigaa Gorgoor yohaw Webigii Ganaaniyo Gal durdura ku yaaloon Abaaruhu ku gaadhine Gaboodkii dhulkeeniyo Miyaad geed ku aragtaa Gurmo-go’ankii mooyee Aaway lagama guurii Galoolkiyo Maraagii Sowkan gooyay jiilaal ADUUNBAABA GABADH YAHAY 2 Aduunbaaba gabadh yahay Gedafeeyay timahoo Gego lagu bulsheeyiyo Guur u feedhanaayee Miyuu wiil gayaan ahi Go’dooy maanta nool yahay Geeri weeye caydhuye Sow tan laysay gaajadu Nimaad garabka saartiyo Miyuu geesi muuqdaa Aduubaaba Gaban yahow Hurdo dheer gama’aayoo Geli nabada seexdoon Gantaal cudur ku gaadhine Gudoodiga habeenkii Miyaan guure daayaa Dhaxanta iyo gawraha Miyaan guri ka seexdaa Gaabsaad i leedee Miyuu guuray caashagu Aduunbaba geenyooy Guluf iyo dagaaliyo Weerar geli karaayoo Itaal nabar ku gaadhine Geestayada miyuu faras Gaashaan-qaadi joogaa Sowkan caato gaabshee Hiigsanaaya geediga Haddii guunyo lala tago Miyaa lagu gurmanayaa Aduunbaaba gaban yahay Warku mid aanu geliniyo Gasariir i moodoo Gooni iga dhigaayee Saw galaba waxa dhaca Goobjoo uma ahayn Saw kulama garan karo Intaan guri xun soo niil Ubaxiyo mankii go’ay Sawkan soo gadaal baxay Adigaaba Gorayeey Guyaadii Shabeelliyo Naqa goosanaayoo Gurigaa samaadee Gubanka iyo Hawdkiyo Xoolihii geyigu maye Afarteeda geesood Miyay hali ka guuxdaa Wahey guulka oomaa Miyuu ceelba gaadhaa Adduunbaaba gabanyahow Sabankii la go’ay iyo Gabadanihi jiilaal Wali sii gocanayee Guga iyo mankiisii Sowkan waqalka soo guray Sowkan cirirki guuree Reerkii gadh-qabad helay Ubaxiyo mankii go’ay Sawkan soo gadaal baxay COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|