|
|||||
WAJAALE NEWS
Badhasaab Kuxigeenka Gobolka Maroodi Jeex Oo ka Dareen Celiyay Xilka Uu Madaxwaynaha Jsl Umagacaabay,
April 2, 2018 - Written by Editor:HARGAYSA (W,N) Badhasaab kuxigeenka cusub ee gobolka Maroodi Jeex Oo Kamid ahaa xubnihii uu shalay Madaxwayna Jamhuuriyada Somaliland Magacaabay Khadar Baruud ayaa ka Dareen Celiyay xilka uu Madaxwaynuhu Umagacaabay, Waxaanu Barta uu ku leeyahay Xidhiidhka Bulshada Ee Facebookga Soo Dhigay Qoraal kooban oo uu Arintaasi kaga Hadlayo Oo U dhignaa sidan; “Waxaan Aad Ugu Mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi xilka uu ii Magacaabay Ee Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Maroodijeex. Waxa kaloon Aad Ugu mahadnaqayaa Dadkii Tirada Badnaa Ee Igu soo Hambalyeeyey iyo intii iigu soo Ducaysay in Ilaahay Igu Asturo Masuuliyadda Qaran ee la ii Igmaday Dhamaantiinna jasaakumu-laahu khayran. Ayuu hadalkiisa kusoo koobay. Khadar Baruud ayaa kamida Dhalinyaradii Safka Hore kaga jiray Ololihii Uu Xisbiga kulmiye Iyo Madaxwayna Hada Talada Dalka Hayaan ku Gaadhay Guusha kuna Hantay Kursiga Dalka Ugu sareeya Isagoo kamid Ahaa Gudigii Loo Igmaday Kaanbaynka Gobolka Gabiley. SOMALILAND GUUL IYO GOBANIMO.
WAJAALENEWS DESK HARGAYSA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Daawo:Waftigii Qalinka Ku Soo Duugay Saldhiga Militari Ee Berbera Oo Saaka Dalka Ku Soo Noqday Kana ... Xildhibaan ka Tirsan Gudida Ilaalinta Hantida qaranka Oo Goleyaasha Deegaanka Ku Eedeyay Lunsiga Han... Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Golaha Guurtida Ku Bogaadiyay Ansixinta Xeerka Isa Saarka... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|