baarlamaanka Soomaaliya Oo Markale Wajahaya Khilaaf Ka Abuurma Cida U Tartami Karta Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
baarlamaanka Soomaaliya Oo Markale Wajahaya Khilaaf Ka Abuurma Cida U Tartami Karta Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka
April 13, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (W,N):- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markale waxa uu wajahayaa khilaaf ka abuurmaya qodob sharciyeedka ah cida u tartami karta xilka guddoomiyenimada Baarlamaanka.

 

Xildhibaanada-Qaranka

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in marka la eego habka ay ku dhisan tahay dowladda ee 4.5 in kaliya kursigan u tartami karaan xildhibaannada ku abtirsada beesha uu ka soo jeedo guddoomiyihii is casilay Prof Jawaari, isaga oo meesha ka saaray in cid walba u furan tahay in ay isku soo taagto qabashada xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka.

 

‘’Waad og-tihiin Hirshabeelle markii madaxweynaha la dooranayay waxaa la yidhi ‘’Reer Hebel’’ oo kaliya ayaa u tartami karta iyadoo la eegayo habka awood-qeybsiga sidaa daraadeed doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ma’aha mid u furan xildhibaan kasta , laakiin waxaa u tartami kara oo kaliya beesha uu ka soo jeedo guddoomiyaha xilka ka degay’’ ayuu yidhi Prof Jawaari.

 

Laakiin aragti taa ka duwan waxaa qaba xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo sheegay in musharax kasta oo buuxiya sharuudaha laga rabo in ay furan tahay qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamaanka iyadoo aan loo eegin beesha uu ka soo jeedo, waxaana uu arin sharci darro ah ku tilmaamay in beel kaliya sida uu hadalka u dhigay lagu calaamadiyo in ay isku soo taagto guddoonka Golaha Shacabka.

 

‘’Dastuurkeenu kuma qorna in xilalka lagu qeybsado 4.5 iyo qabiil, laakiiin wuxuu iska ahaa heshiis ama is faham guud oo aan sharci ku dhisneyn, sidaa daraadeed doorashada guddoonka Baarlamaanka waxey u furan tahay cid kasta oo soo buuxisa sharuudaha laga rabo”ayuu yidhi xildhibaan Mahad Salaad

 

Labadan aragti oo ay kala qabaan labada xildhibaan ee ka wada tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadda ah sheekada ugu xiisaha badan marka la eegto loolanka siyaasadeed ka dhax jira Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaanno ka tirsan garabkii sida weyn u taageeray Prof Jawaari qorsheynayaan in ay isku soo taagaan qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo marka awood qeybsiga beelaha ee dowladda Soomaaliya la eego ku heyb noqonaya ra’iisal wasaare Kheyre.

 

Ilaa iyo hadda musharixiinta cadeeyay hankooda ah qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo jeeda dhamaantood maamulka Koonfur Galbeed kuwaa oo loo arko in ay iyagu leeyihiin buuxinta kursiga uu banneeyay Jawaari.

 

Balse dagaal siyaasadeedka socda awgii ayaa laga yabaa in ay jirin karaan xildhibaanno kale oo maalmaha soo socda shaacin doona musharaxnimadooda kuwaa qaar ka mid ah durbaba siweyn dadku u hadal hayaan.

 

 

 

Wajaalenews Desk

Muqdisho Office

COMMENTS
LINKS