|
|||||
WAJAALE NEWS
Australia Oo Soomaaliya Ka Saartay Dalalka Ay Dadkooda Dib U Dejinta U Sameyneyso
April 5, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa (W,N) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Australia ayaa waxa ay sheegtay wadamada Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed iyo Iran in ay ka saartay Liiska waddamada ka faa’ideysan kara mashruuca Bani’aadamnimo ee dadka soo galootiga ah ee ay dib u dejinta u sameeyaan.
Australia oo aan shaacin sababta rasmiga ah ee ay falkan u sameysay ayaa dadka ka soo jeeda Saddexdan dal ee codsiyada diyaarsaday waxaa loo sheegay in aysan suuragal aheyn in xilligan la qaabilo, oo wakhti Aanu ka lumin.
Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Gudaha Australia “go’aankan wuxuu ka soo baxay dowladda, dalalka Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed iyo Iran dadka ka soo jeeda ayaan ka saarnay liiska dadka ka faa’ideysan barnaamijka dib u dejinta, mar walba waxaan ku shaqeynaa sharci iyo nidaam.”
Hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa aad u cambaareeyay falkan ay gaadhay xukuumadda Australia, waxayna tilmaameen in arrinkan uu yahay mid midab takoor ah oo aanan loo baahneyn. Related posts:Daawo: Madaxweyne Obama Oo Ka Hadlay Magaca Kooxda RED SKINS Oo Muran Iyo Kala Qaybsanaan Ka Abuuray... Badhasaab Kuxigeenka Gobolka Maroodi Jeex Oo ka Dareen Celiyay Xilka Uu Madaxwaynaha Jsl Umagacaaba... DAAWO;-Hooyo 9 Carruur Ah Haysata Oo Aabbahood Xukuumada Xidhay, Gaadhigoodii Ay La Wareegtay Oo Far... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|