Arin Mucjiso Ah: Gabadh Yar Oo Qeybo Jidhkeeda Ka Mid Ah Ay Dhagxaan Ka Soo Daadanayaan+Sawirro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Arin Mucjiso Ah: Gabadh Yar Oo Qeybo Jidhkeeda Ka Mid Ah Ay Dhagxaan Ka Soo Daadanayaan+Sawirro
April 25, 2018 - Written by Reporter:

Laascaanood (W,N )- Faadumo Maxamuud Ibraahim oo 10 sano jir ah oo ku nool Magaalada Laascaanood ayaa lagu arkay arin mucjiso ah, iyadoo ay indheheeda, dhegeheeda iyo afkaba ay ka soo daadanayaan dhagxaan.

Gabdhan oo aan wax xanuun ah oo dhiba aanay jirin sida ay waalidiinteedu sheegeen ayaa waxa dhibaato ku haya dad-weynaha magaalada Laascaanood oo buuxdhaafiyey guriga ay degan tahay.

“Illaa jimcihii ayaan aragnay waxan aan la yaabnay, mucjiso Illaahay na tusay ayaan u qaadanay, culimada waan u geyney, welina wax xal ah ma hayno, waxaana leenahay waa arin Rabbaaniya” sidaa waxaa sheegtay Hooyada dhashay gabadha lagu arkay arintan mucjisada ah.

Gabdhani waxaa ka muuqatay iyadoo isha hoos u qabanaysa oo laba-jeer Qoorta ay haraga hoos u jiidey isheeda dhagax ka soo dhacay u eg dhagaxda dixda biya-mareenka.

Lama garanayo sababta arintan keentay, balse waxaa culimada diintu ay ku tilmaameen oo keliya mid Illaahay og-yahay, iyadoo dhagxaanta goobtaasi ka muuqatey ay kiilooyin gaadhayeen.

 

 

2018425636602450089943565dhagax 2018425636602451290219967dhagax1

COMMENTS
LINKS