30-kii Maalmood Ee Wasiirka Isgaadhsiintu Uqabatay In Lagaga Guuro .SO Oo Ku Beegan Maalinta Bari Ah Iyo Aqoonyahan Soo Bandhigay fursadaha Ay Somaliland Heli karto, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
30-kii Maalmood Ee Wasiirka Isgaadhsiintu Uqabatay In Lagaga Guuro .SO Oo Ku Beegan Maalinta Bari Ah Iyo Aqoonyahan Soo Bandhigay fursadaha Ay Somaliland Heli karto,
April 10, 2018 - Written by Editor:

 Top level Domain Somaliland Leedahay Oo La Heli karo Iyo Habacsanaanta Maamul Ee ka Muuqata Masuuliyiintii Hawlahan Qaranka Uqaabilsanaa!

Hargaysa (W,N) Dhawaan Ayay Ahayd Markii Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Technolojiyada Cabdiwali Suufi Jibriil  uu ku shaaciyay In cid kasta oo ku xidhnayd Isticmaalka internetka ,SO Ay ka guuraa isagoo uqabtay mudo sodon maalmooda ,

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in kuwa loo guurayaa ay yihiin kuwo caalamiya .

Arinta Ayaa timid kadib markii maamulka somaliya lagu wareejiyay furaha internetka ee ay reer somalilandna la isticmaalin jireen.

Talaabadan uu wasiirku ku Amray  Haayadaha, ururada ,Shirkada iyo Cidkasta oo ay khusayso ayaan ahayn mid An  cilmi ku dhisnayn isla markaana aan ka turjumayn mid Amaankiisu Ka sugan yahay kii hore .

WASIIRKA ISGADHSIINTA

Dhanka kale Aqoonyahanada rReer Somaliland ee Aqoonta Uleh Itga ayaa walaac xoogan ka muujiyay, halka lafaray in ay uguuranaa bulshada reer Somaliland,

sidoo kale Aqoonyahanka ayaa soo bandhigay Domain Somaliland ugaar noqonaya Iyo isticmaalka internet ka xawaare sareeya kii hore oo ay Somaliland si sahlan ku heli karto,

“Markii aan helay Ogeysiiskii  ka soo baxay Dowladda Somaliland, kaasi oo sheegayay in soddon maalmood gudahood lagaga guuro .so.

Warkaasi waxa uu dhegaheyga ku noqday farxad aan la qiyaasi karin iyo filan waa intaba. Sidaa waxaa yidhi Isaxaaq Axmed Cadde oo ah  farsamo-yaqaan IT-ga sitana 11 Shahaado oo Norwegian ah, sidd waxa yidhi Isaaq

Isaxaaq Axmed mar Aan telefanka ku wareysannay waxa uu noo sheegay in 27/03/2011 uu dowladda Somaliland u soo direy qoraal uu ku soo bandhigay in .so la soo codsaday sidaa aawadeedna ay muhiim tahay in la sameysto .sl. oo markaa uu isagu gacanta kula jirey.

Nasiib daro taasi may suurto gelin, domain-kaana waxaa leh maanta sierra leone. Waxa farxad ah buu yidhi in ugu danbeyntii dowladda Somaliland garowsatay faa’iidada is’u-lahaanshaha domain u gaar ah umadda reer Somaliland, balse waxaa naxdin weyn ah talo-bixintii wasiirka wasaaradda is-gaadhsiinta oo aheyd in loo guuro .com .net ama .org i.w.m.

Isaxaaq hadaladiisii waxaa ka mid ahaa, ma aha doorasho fiican in marti wax dhibsatay oo guurtay ay meel kale u marti noqoto. Waxaan taa kawadaa, haddii maanta aan garowsannay dhibaatada ay leedahay .so marti gelinteeda website-yada reer Somaliland ay ka daran tahay in aynu shisheeye kale oo weliba kan .so ka aqoon badan aynu afka uga galno.

Waxa aynu heysannaa doorasho ah in aynu waddankeenna dhexdiisa ku heysanno mashiinadeenna dhallinteenuna ka shaqysato aqoon iyo waayo aragnimona uga korodho.

Sidaa marka la sameeyo faa’iidadeedu waxa ay noqonaysaa in shirkadaha is-gaadhsiintu aad uga faa’iidaan dhaqaale ahaan maaddaama uu yaraanayo taraafigga dibadda u baxaya, dhinaca kale shicibku wuxuu heli doonaa internet xawaare sare leh oo kan ka sii jaban waayo shirkaduhu waxay ku tar-tamayaan macaamiisha oo ay dib ugu maal-gelin doonaan qeyb ka mid ah intii ay faa’iido kordhiyeen iyagoo ku siinaya macaamiisha weji xawaare (maaddaama waddankeenna wax kasta inoo yaallo) iyo weji dhaqaale (maaddaama lacagtii shirkadda dibada uga baxeysay yaraatay)

Farsamooyinkan iyo kuwo kale oo aad uga faro badan ayaan diyaar u ah waddankeenna, ee yaa ka faa’iideysanaya?

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in uu gacanta ku hayo mashiinno kale oo kordhinaya xawaaraha internet-ka. Xalay waxaa waddanka dhexdiisa laga tijaabiyey isticmaalka .jsl oo muujiyay in habkii loogu talo galay uu u shaqeynayo.

Dhinaca kale maxsuulka cabirka xawaaraha internet-kuna waxa uu ahaa sidan;

Cabirka xawaaraha intii aan mashiinkeyga lagu xidhin wuxuu ahaa 47 kbps, markii aan ku darnay mashiinadayada wuxuu xawaaruhu ku dhex ciyaarayay 180 illaa 190 kbps, balse markuu ugu yaraa wuxuu noqday 150 taasi ayaanan ku xisaabtamay. Tani macnaheedu waa inta maanta qofku heysto xawaare, waxaa ku kordhaya 219%.

Markii aan arkay heerka ay howshu maanta taagan tahay haddii ay noqoto muddadii la qabtay iyo horumar wixii howshaa laga qabtey intaba, waxaan dareemayaa in weli aan keli ku ahay wax qabadkan, qaar kale oo kelidood sideyda u fikirayaana ay meeshooda la fadhiyaan wixii kartidooda aheyd, waxaan tijaabiyey in aan howshan kala xidhiidho wasiirka is-gaadhsiinta, laakiin iimey hirgelin taasi . Sidaa aawadeed waxaan fureyaa .jsl taariikhda 11-ka april, waxaanan ku guubaabineyaa in shirkadaha iyo shakhsiyaadka uu saameynta ku yeeshay sharcigan mamnuucaya isticmaalka .so ay ila soo xidhiidhaan ka hor muddada joojinta isticmaalka .so si aan uga caawiyo howshan;

WAXAAN KU TALINAYAA:

. In Somaliland ay yeelato Country Code Top-Level Domain u gaar (waan hayaa maanta waana diyaar .jsl oo u taagan Jamhuuriyadda Somaliland)

. In dhalinyarada reer Somaliland oo qudha ay ka shaqeeyaan farsamadan (waxay tani abuureysaa mustaqbal qurux badan oo waddaninimo leh)

. In Aan tababar siisanno dadkeenna farsamo-yaqaanada IT-ga ah ee waddanka jooga si ay u noqdaan shaqaaleha mustaqbalka howsha sii wadaya

Haddaba si ay howshani sida ugu quruxda badan uguna dhakhsaha badan ay inoogu hir-gasho, waa in shicibka reer Somaliland ay muujiyaan taageeradooda oo ay isticmaalkooda ka bilaabaan in ay soo booqdaan www.kaibso.com halkaasi oo ay kala soo bixi karaan qoraal hagaya haddii caawino ay u baah daan marka ay barnaamijka soo dejisanayaan.

 

Allaa Mahad Leh.

COMMENTS
LINKS