|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay In Ay Warqad U Qorayso Ururka Jaamacada Carabta
March 10, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa (W,N):- Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland dr. Sacad Cali Shire ayaa waxaa uu sheegay in warqada ay Soomaaliya u gudbisay Jaamacadad Carabta ay iyaguna mid la mid ah oo mawqifkooda ku cadaynayaan u gudbinayaan Jaamacada Carabta. “Horta waxaan laga hadlaya waa Dekadda Berbera oo Somaliland ku taalla, waxaana xukuma dastuurkeena iyo xeerarkeena, ma xukumo dawlada Soomaaliya cid inagu qabsan kartaana ma jirto, warqadaasi ay Soomaaliya qotay ee dacwadana waan ka war hayaa anna warqad kale ayaan ka daba gaynayaa oo maqwifkeena ku muujinayno, xaqiiqdu waxa weeyi Somaliland waa wadan jira oo dawlad leh.”ayuu yidhi Sacad Cali Shire. Dhanka kale Somaliland ayaa ku doodaysa in Soomaaliya ka hor timid horumarinta dekadda Berbera,isla markaana ay hore ugu heshiiyeen labaddii madaxweyne ee hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Soomaaliya Xasan Sheekh in aan la carqaladayn mashruucyada labada dhinac ku horumarinayaan deegaanadoodda, waxaanay Somaliland ku aragtaa inay heshiishkaasi Soomaaliya jabisay, taasina ay sababta u tahay in Somaliland hakiyaan wada hadaladdii dhawrka wareeg qaatay ee u socday Somaliland iyo Soomaaliya.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|