Xukuumada Somaliland Oo La faliyo In Ay Dalka Ka Caydhiso Qunsulka Dalka Turkiga, Ujooga Magaalada Hargaysa Iyo Sobobta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo La faliyo In Ay Dalka Ka Caydhiso Qunsulka Dalka Turkiga, Ujooga Magaalada Hargaysa Iyo Sobobta!
March 3, 2018 - Written by Editor:

Hargaysa (W,N) Dagaalka Siyaasadeed Ee Udhexeeya Somaliland Iyo Maamulka Muqdisho    Ayaa Halkii Ugu Xumayd Maraya kadib markii Maamulka Somaliya ay Si badheedha uga Soo Horjeesteen Danaha Jamhuuriyada Somlailand Iyo Heshiiska Ay la gashay Shirkada DP World  Oo Dhowr cisho ka hor Magaalada Dubai ay ku kala sexeexdeen Somaliland Iyo Shirkada DP World Kaasi oo ay Qayb ka Tahay Dawlada Etoobiya Oo iyadu ah Wadanka ka kaliya Ee lafilayo in uu si Wayn u Isticmaalo Marsada Caalamiga ee Berbera oo hada Lagu Samaynayo casriyayn iyo balaadhan, Isla markaana Noqonaysa Deked la tartanka kuwa Mandaqada Geeska Africa oo Goob Ahaan ay ka Muhiimsan Tahay Halka ay ku Taalo Awgeed,

MADAXWAYNE MUUSE BIIXI

 

qunsulka turkiga

Dhanka kale  Waxaa Iyana Dagaalka lagaga soo Horjeedo Horumarinta Dekeda Berbera Iyo Rajada Shacabka Jamhuuriyada Somaliland Safka Hore kasoo galay Wadamo Shisheeyo ay oo ay Ugu Horeeyo Dalka Turkiga iyo Qadar, Kuwaasi Oo Isku bahaystay sidii loo carqaladayn lahaa danaha Somaliland, Wadamada ayaa Adeegsanaya Warbaahinta ay labadan Wadan leeyihiin Iyo Halka ay maamulka muqdisho ku Taageerayaan Hadimooyin Iyo Dagaalada ka Dhanka ah Somaliland.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Hadaba Wararka Aanu ka Helayso Arimahan Ayaa Tibaaxay in Xukuumada Somaliland  ay dalka ka Saarayso Xafiis Qunsuliyada Dalka turkigu ku leeyahay Casimada Somaliland Ee Hargaysa,

Dawlada Turkiga Ayaa sanadihii uga danbeeyay Mashaariic kala Duwan ka fulisay  Somaliya Halka Maamulka  Somaliyana ay turkiga Siiyeen Saldhig Ciidan

Sikastaba ha ahaatee waxaa laga warsugi doonaan talaabada ay Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi   ka qaado Qunsuliyada Turkiga Ee ka furan Hargaysa Madaama Iyadoo la raacaya Ficilada ay Dawlada turkigu  ku foogan tahay iyo dagaalka ka dhanka ah Somaliland Ee ay safka hore kaga jirto Wadamada Cadowga ku ah Jirintaan Somaliland.

 

HARGAYSA SOMALILAND

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS