Xirfadda Soo jeedinta (Presentation Skills) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xirfadda Soo jeedinta (Presentation Skills)
March 18, 2018 - Written by Reporter:

In badan oo ka mid ah dadyowga ku xidhan Barnaamijyadayda ayaa iga codsaday in aan u soo qoro maqaal ku saabsan Xirfadda Soo jeedinta ( Presentation Skills).

tudhale(4)

Muddadii aan ku soo jiray, shaqadayda ah in aan bixiyo tabobaro ku saabsan Xirfadaha fagaare ka hadalka iyo soo jeedinta (Public Speaking and Presentation Skills), waxa aan la kulmay dadyow fara badan oo iskugu jira arday iyo dad shaqeeyaba; kuwaas oo aad ugu caddiban in ay soo bandhigaan Fikir, Aqoon, Alaab loogu talo galay in la suuq geeyo ama horumar uu shaqsi/Shirkad ay gaadhay.

In badan oo ka mid ah dadyowga ku xidhan Barnaamijyadayda ayaa iga codsaday in aan u soo qoro maqaal ku saabsan Xirfadda Soo jeedinta ( Presentation Skills).

Waa Maxay farqiga u dhexeeya Xirfadda

Soo jeedinta iyo Fagaare ka hadalku?

Labadan xirfadood waa kuwo iskaga dhex qasan dadyow aad u fara badan, kuwaas oo aan ka haysan wax fikrad ah; una haysta in ay isku mid yihiin.

Xirfadda Fagaare ka hadalku waa Aqoonta guud ee uu qofku ku baranayo hanaanka loo diyaariyo qudbadaha, qaababka kala duwan ee hadalka, qaybaha kala duwan ee fagaare ka hadlayaasha iyo waliba aqoonta ka dhaadhicinta (Persuasion Mastery) oo ah sidii aad ummad dhan wax uga dhaadhicin lahayd, waana xirfad lagu takhasuso oo la barto ahna xirfadaha Dunida casrigan ugu caansan ee lagu shaqaysto.

Xirfadda soo jeedintu: Waxa ay hoos timaada aqoonta Fagaare ka hadalka, waana in qofka la baro qayb kaliya oo ku saabsan sida in uu soo diyaariyo mawduuc oo uu ka hor hadlo fasalka uu dhigto, in uu so diyaariyo waxqabadka shirkada uu ka shaqeeyo ay gaadhay iyo in uu soo bandhigo fikir.

Labadan farqiga ugu weyn ee u dhexeeya ayaa ah in uu Fagaare ka hadali yahay Aqoontii guud halka ay xirfaddan soo jeedintuna ka tahay qayb ka mid ah, tusaale ahaan:

Fagaare ka hadle kastaa waa soo jeediye balse soo jeediye kastaa maaha fagaare ka hadle, taas oo ay macnaheedu tahay soo jeediye maaha magac loogu yeedhi karo qof, marka laga eego dhanka shaqada, balse fagaare ka hadle waa magac loogu yeedhi karo qof walba oo aqoon u leh xirfaddan fagaare ka hadalka.

Maaddaama oo aynu intan isla fahanay waxa aan si gaar ah u saaro doonaa diirada xirfadda soo jeedinta, taas oo si gaar ah u taabanaysa dadyowga ay dhibaatadu ka haysato in ay sameeyaan soo jeedin, kana hor hadlaan koox gaar ah; sida Fasalkooda ama dadyow kooban.

Inta ugu badan marka la soo gaadho heerka jaamacadeed, waxa ay macalimiintu u diraan ardayda casharo ku saabsan kooraska ay dhiganayaan ama baadhitaano cilmiyaysan (Researches), iyada oo uu macalinku isku raaciyo koox-koox (Groups), taas oo dhibaato weyn ay kala kulmaan arday aad u fara badan, kuna waayaan Dhibco hoos u dhigaya natiijooyinkooda imtixaanaadka; waxa aanay taasi horseedaa in ay kalsoonidu ka dhimato ardayga aan ka soo bixi karin in uu fasalka ka hor hadlo.

Lixdan qodob waa kuwo horseeda in uu ardaygu awood u yeelan waayo in uu fasalka hortiisa soo istaago:

  1. In aanu qayb ka noqon ardaygu waxa la soo diyaarinayo: Arday badan ayaa dhayalsada in ay kooxdooda la soo diyaariyaan  waxa loo diray, taas oo ay keento in ay ka wahsanayaan oo ay dhayalsanayaan ama aanay garanayninba waxa la diray.
  2. In aanu Ardaygu lahayn kalsooni uu ku soo hor istaago fasalka
  3. In ardayga ay ku adag tahay luuqada uu doonayo in uu wax ku soo gudbiyo, sida luuqada Ingiliishka (English) ama Carabiga ( Arabic).
  4. In ardayga ay aad u liidato aqoontiisa dad la dhaqanimo, oo aanu awood u lahayn in uu dadka dhex galo
  5. In ardaygu u arko cadaadis la saarayo iyo dhibaatayn la dhibaataynayo, marka loo diro in uu wax soo diyaariyo
  6. In aanu ardaygu fahmin ujeedka laga leeyahay casharka loo diray iyo waliba soo jeedinta uu fasalka hortiisa ka samaynayo

Haddaba ardayahow haddii ay dhib kaa haysato fasalka hortiisa in aad soo istaagto, waxa ku caawin kara qodobadan:

  1. Fahan ujeedka aad u soo hor istaagayso fasalka hortiisa, kooxdaadana wax ula soo diyaarinayso, taas oo inta badan ujeedkeedu yahay in Ardayda loo sii tabobaro in kor loo qaado aqoontooda ay dadka ku dhex gali lahaayeen kuna soo bandhigi kari lahaayeen Aqoonta ay soo barteen, gaar ahaan dhanka shaqada.
  2. Ugu yaraan fahansanoow waxa aad soo diyaarinayso, haddii aanad fahansanayna isku day in aad wax ka waydiiso cid kaaga aqoon badan
  3. Kor u qaad oo dhis kalsoonidaada
  4. Haddii aad awoodaysid qaado tabobar ku saabsan Fagaare ka hadalka
  5. Ahoow mid la shaqeeyo oo an waxba ka hagranin kooxdiisa, diyaarina inta aad aqoonta u leedahay, kana qayb qaado dooda ka horaysa cashar diyaarinta.
  6. Horumari aqoontaada dad la dhaqanimo, iskudayna in aad dhex gasho ugu yaraan kooxda aad la shaqaynayso
  7. Iska dhis luuqadaha kala duwan, sida Ingiliishka iyo Carabiga
  8. Ha ka cabsan in aad tijaabiso, hor istaaga fasalka
  9. Iska ilaali in aad sugto inta aad awood u yeelanayso in aad fasalka soo hor istaagto, wax walba bar bilow ayay leeyihiin ee isku day hana ka cabsan in aad isku daydo, xataa adiga oo cabsanaya.

10.Maskaxda u soo diyaari ka hor inta aanad soo hor istaagin fasalka, guriga dhexdiisana ku soo samee tijaabooyin, amba iska duub codad/ daawashooyin adiga oo isticmaalaya tilifoon gacmeedkaaga (Mobile)

11.Fahan nooca cabsiyeed eek u haysa, sida in aad ka baqanayso indhaha Dadka aad la hadlayso, in aad leedahay ilowshiyo marka aad dadka soo hor istaagto IWM.

  1. Baro sida wax loogu diyaariyo Barnaamijka (PowerPoint)

Ogsoonoow, in wax walba leeyihiin bar bilow, isku dayguna yahay waxa kaliya ee lagu meel maro

Xamse Tudhaale:  Aasasaha Akaademiga Tudhaale iyo tabobare in ka badan 700 oo qof siiyay tabobaro kala duwan oo ku saabsan horumarinta Hab-fikirka iyo Hal-abuurnimada si gaar ahna ugu takhasusay Xirfadda Fagaare ka hadalka.

 

Qalinkii Xamse Tudhaale

 Mobile: 0634410163/0654410163

COMMENTS
LINKS