|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaanad Goor Dhawayd Lagu Dilay Magalada Muqdisho
March 27, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (W,N):- Xildhibaanad Ruqiyo Abshir oo ka mid ahayd baarlamaanka maamul goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa caawa 8dii fiidnimo waxay dabley hubaysani ku dileen degmada Shibis ee magaalada Muqdisho. Geerida xildhibaannadda waxaa xaqiijiyay wasiirka warfaafinta ee maamulka Koofur galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed. Xildhibaannadda ayaa ahayd qof siyaasadda ku cusub, wuxuuna dilkeedu u muuqdaa inuu yahay mid qorshaysan. Ma jirto ilaa hadda cid loo qabtay dilka xildhibaanad Ruqiyo Abshir oo isla goobta ku naf baxday. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|