“Waxan la Yaabanahay Waxgaradkii Waddani Ee La Garanayay Siday U Arkaan Xaalka Gudoomiyahooda?” Muj Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxan la Yaabanahay Waxgaradkii Waddani Ee La Garanayay Siday U Arkaan Xaalka Gudoomiyahooda?” Muj Cali Guray.
March 26, 2018 - Written by Editor:

Muj Cali Guray Oo Si Adag Udhaliilay Dhawaaqii Gudoomiye Ciro Ee komishanka Kuna Eedeeyay In ay Gacmo Shisheeye Ku Jiraan,

MUJ cali maxamed yuusuf cali guray ayaa dhaliilay talaabada uu qaaday gudoomiyaha xisbiga wadani oo uu ku eedeeyay in arinta uu ka hadlay loosoo dhiibay gacmo shisheeyana aanay kamaqnayn

Sidoo kale Cali Guray ayaa sheegay in dalku u baahan yahay mucaarid adag qoraalka muj cali guray ayaa wuxuu ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebookga.kaasi oo udhignaa Sidan;

CIRRO IYO CALI GURAY

 “Gudoomiye Cirro wuxu bixiyay Amar codsi maaha baryo maaha. Hadii amarkiisa la diido wuxu qaadi doonaa talaabo laakiin talaabada keliya uu qaadi karaa waa in xisbigiisu aanu ka qaybgelin doorashada. Yaa khasaaray yaa faaiiday. Ilaahayow aanaan maskaxda ka abaaroobin. Doorashadii kal hore dhacday wuu ogyahay in aanay soo noqon karin tu dambena u malayn maayo inu rejo ka qabo hadda rag isaga karkaarka waydaarinayaana way jiraan oo hadba sidaa dheh odhanayaana. Gacan dibadeedna malahayga kama madhna. Isaga ayay u taalaa laakiin sharciga kama waynaan karo hadalkiisuna maaha mid mudan in la qiimeeyo markaa ha iska hadlo ma afkaa la qaban. Laakiin waxan la yaabanahay waxgaradkii Waddani ee la garanayay siday u arkaan xaalka gudoomiyahooda? Ma filayaan inuu u wado xagii guusha xisbigooda? Mise kol haduu qasacadaha ka jejebinayo oo ka cadhaysiinayo hebelo xilal haya iyaga ugu dhanba? Mooyi anigu isma lihi kanaa kob caleen leh ka soo durdurin.

Anigu dalka inu mucaarid jiro waxan u arkaa dan laakiin nasiib darro kani mucaarid maaha. Dad badan ayaan raali ku ahayn sida ay hadda wax u socdaan oo saluugsan laakiin intooda caqliga lihi Cirro dabagelimaayaan oo ka dhigan maayaan Hogaamiyaha Mucaaridka. Waa sida ay aniga ila tahay

 

COMMENTS
LINKS