|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasaarada Maaliyada Jsl Oo Tahli Kari Wayday Soo Gudbinta Odoroska Miisaaniyada 2018 Iyo Qaarkamida Ururada Bulshada Oo Bilaabay falanqaynteeda,
March 8, 2018 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N) Iyadoo laga joogo Mudadii Xukuumada Cusub Ee Uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Muuse Biixi, La Doortay Sedex bilood isla Markaa Uun soo Dhisay Golaha Xukuumadiisa taasi oo uu Wasaarada Maaliyada Ugu Magacaabay Masuuliyiinta kala Ah Wasiir iyo Wasiir Kuxigeen Aan Hore Siyaasada Somaliland Uga soo Dhex Muuqan halka Wasiirka Wasaarada Maaliyada Ee Xiligan uu Kamid ahaa Shaqaalaha Wasarada Maaliyada, Masuuliyiinta wasaarada maaliyada Ayaan ilaa hada soo Gudbin Odoroska Miisaaniyada 2018 Oo muhiim u ah Dhaqajinta Hawlaha baxada leh Ee laga Sugayo Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Ay Hawlo Culusi Horyaalaan. Sidoo kale Miisaaniyad la,aanta Wali haysata Xukuumada ayaa Sobobtay in Aanay Wali shaqaalaha Dawladu Qaadanin Musharkii bishan , halka bilihii hore lagu dhaqmay miisaaniyadii Xukuumadii hore ee Siilaanyo. Arintan ayaa Daboolka ka Qaaday Khibrad La,aanka Wasiirka Wasaarada Maaliyada Oo isagu Aragtidiisu Dhaafi Wayday waxka Sheega Wasiirada Uga horeeyay Wasaarada Maaliyada Mudadii ay talada Dalka haystay Xukuumada Xisbiga kulmiye ka Dhalatay,Ee Gadhwadeenka uu ka ahaa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Wasaarada Maaliyada Ayaa Waxaa xiligan dul hogonaya dhaliilo baahsan taasi oo ay hada banaanka keentay kadib marii qaarkamida ururada Aan dawliga ahayd bilaabeen abaabulka munaasibado lagu falanqaynayo odoraska miisaaniyada qaranka Somaliland oo aanay hore udhicin intii ay jirtay somaliland rabitaanka ay odoraskeeda ay soo faro galiyaan ururo noocan ahi Wallow Dadka Siyaasada Somalland Sida Dhow Ulasocdaa ay Madaxwaynaha Somaliland ku dhiileen shaqsiyaadka uu usoo xushay wasaradan in ay hormuudka noqdaan aanay ahayd kuwii ugu haboonaa marka laga eego muhiimada ay wasaaradani uleedahay dalka iyo dhismaha Xukuumada,
HALKAN KA DAAWO URURADA BULSHADA OO BILAABAY FALANQAYNTA ODOROSKA MIISAANIYADA 2014 EE XUKUUMADA MADAXWAYNE MUUSE BIIXI. Related posts:AKHRISO XARUNTA DALXIISKA EE DJIBOUTI OO SANADKANKII 2017 TIRADII UGU BADNAY U DALXIIS YIMADEEN. Ciidanka Dab Damiska Magaalada Wajaale Oo Ka Hawl Galay Shil Gaadhi Xamuul Ah Oo Galay Meherado Gana... Golaha Guurtida, Xisbiyada Qaranka, Culimada Dalka iyo Ururka Qareenada oo Meel Adag Iska Taagey Xee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|