Wasaarada Maaliyada Jsl Oo Tahli Kari Wayday Soo Gudbinta Odoroska Miisaaniyada 2018 Iyo Qaarkamida Ururada Bulshada Oo Bilaabay falanqaynteeda, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Maaliyada Jsl Oo Tahli Kari Wayday Soo Gudbinta Odoroska Miisaaniyada 2018 Iyo Qaarkamida Ururada Bulshada Oo Bilaabay falanqaynteeda,
March 8, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Iyadoo laga joogo Mudadii Xukuumada Cusub Ee Uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Muuse Biixi, La Doortay Sedex bilood isla Markaa Uun soo Dhisay Golaha  Xukuumadiisa taasi oo uu Wasaarada Maaliyada Ugu Magacaabay Masuuliyiinta kala Ah Wasiir iyo Wasiir Kuxigeen Aan Hore Siyaasada Somaliland Uga soo Dhex Muuqan halka Wasiirka Wasaarada Maaliyada Ee Xiligan uu Kamid ahaa Shaqaalaha Wasarada Maaliyada,

Masuuliyiinta wasaarada maaliyada  Ayaan ilaa hada soo Gudbin Odoroska Miisaaniyada 2018 Oo muhiim u ah Dhaqajinta Hawlaha baxada leh Ee laga Sugayo Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Ay Hawlo Culusi Horyaalaan.

masuuliyiinta wasaarada maaliyada

Sidoo kale Miisaaniyad la,aanta Wali haysata Xukuumada ayaa Sobobtay   in Aanay Wali  shaqaalaha Dawladu Qaadanin Musharkii bishan , halka bilihii hore lagu dhaqmay miisaaniyadii Xukuumadii hore ee Siilaanyo.

Arintan ayaa Daboolka ka Qaaday Khibrad La,aanka Wasiirka Wasaarada Maaliyada Oo isagu Aragtidiisu Dhaafi Wayday waxka Sheega Wasiirada Uga horeeyay Wasaarada Maaliyada Mudadii ay talada Dalka haystay Xukuumada Xisbiga kulmiye ka Dhalatay,Ee Gadhwadeenka uu ka ahaa Axmed  Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Wasaarada Maaliyada Ayaa Waxaa xiligan dul hogonaya dhaliilo baahsan taasi oo ay hada banaanka keentay kadib marii qaarkamida ururada Aan dawliga ahayd bilaabeen abaabulka munaasibado lagu falanqaynayo odoraska miisaaniyada qaranka Somaliland  oo aanay hore udhicin intii ay jirtay somaliland  rabitaanka ay odoraskeeda ay soo faro galiyaan ururo noocan ahi

Wallow Dadka Siyaasada Somalland  Sida Dhow Ulasocdaa ay Madaxwaynaha Somaliland ku dhiileen shaqsiyaadka uu usoo xushay wasaradan  in ay hormuudka noqdaan aanay ahayd kuwii ugu haboonaa  marka laga eego  muhiimada ay wasaaradani uleedahay  dalka iyo dhismaha Xukuumada,

 

HALKAN KA DAAWO URURADA BULSHADA OO BILAABAY FALANQAYNTA ODOROSKA MIISAANIYADA 2014 EE XUKUUMADA MADAXWAYNE MUUSE BIIXI.

COMMENTS
LINKS