War Deg Deg Ah: Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Wada Mooshin Ka Dhan Ah Heshiiska Dekedda Berbera | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Wada Mooshin Ka Dhan Ah Heshiiska Dekedda Berbera
March 4, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (W,N) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay khilaafka ka taagan heshiiskii saddex geesoodka ah ee Dekedda Berbera ayaa sheegay in ay wadaan mooshin ka dhan ah heshiiskaa oo ay ku sheegeen in mid aan la aqbali karin.

u_113244d_2013-10-13-11-25-54f_breaking_news_1_

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo la hadlay warbaahinta ayaa sharci darro ku tilmaamay heshiiska saamiga oo ay wadda galleen shirkadda DP World, Somaliland iyo Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in mooshinkan ay hadda wadaan uu uga duwan yahay kii ka horeeyay in markan la soo bandhiggay heshiis saami lagu qeybsanayo, taasoo muujineysa ayuu yidhi xadgudubka lagu hayo hay’adda dastuurka ee dowladda.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa si adag uga hor yimid heshiiska saami-qeybsiga ee Dekedda Berbera, waxaana uu ra’iisal wasaaruhu sheegay in ay sharci la tiigsan doonaan cid kasta oo arintaa ku lug yeelatay.

Laakiin Soomaaliland ayaa ku gacan-seydhay hadalka ra’iisal wasaaraha oo sida ay sheegeen ah mid aan quseyn Somaliland.

COMMENTS
LINKS