|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Madaxweynaha Somaliland Oo Goor Dhow Safar Deg Deg Ah Ugu Anbabaxaya Imaaradka
March 13, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (W,N):- Warar hada soo gaadhay xafiiska war qabadka ee shabakada Wararka Wajaalenws.net ayaa waxaa ay sheegayaan in madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu safar deg deg ah Goor dhow ugu bixi doono dalka Imaraadka Carabta. Madaxtooyada Somaliland wali wax war ah kamay soo saarin ujeedka Safarka Madaxweynaha, balse wararka ayaa sheegayaa in uu salka ku hayo arinta muranka dhalisay ee heshiiska dekada Berbera, kaas oo dhex maray Somaliland , Itoobiya iyo shirkada Imaraadka laga leeyahay ee Dp World . Sidoo kale Safarka Madaxwaynaha Waxaa ku wehelinaya, Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha, Wasiirka Wasaarada Arimmaha Dibada, Wasiirka Wasaarada Cadaalada, Wasiirka Wasaarada Qorshaynta, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Xubno kale oo mihiima Wixii warara ee ka soo kordha safarka madaxwaynaha kala soco Shabakada Wararka Wajaalenews.net
Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews.net Hargaysa Office Related posts:Somaliland’ “Xalku Waa In Aanay Doorashooyinku Dib Udhicin, Waxa U Ridayana Qolaba Badh Ka Tanaasula... Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Khilaaf Udhexeeya Masuuliyiinta Ugu Sareeya Wasaarada Biyaha Iyo Cod Si... Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi Oo Isbarbar Dhigay 28sano Ka Hor Sidii Ay Hargaysa U Eekayd Iyo Maant... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|