|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Madaxtooyada Somaliland Oo Beeniyay War Ay Masuuliyiinta Xisbiga Ucid Kaga Been Sheegeen Madaxwaynaha
March 5, 2018 - Written by Reporter:War-saxaafadeed:5 March, 2018
” Mudane Guddoomiye: Aniga oo fulinaya Amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan si sharaf iyo qaddarin leh kuula socodsiinayaa in uu Madaxweynuhu helay qoraalka summaddiisu tahay REF/UCID/XDH/428/2018, kuna taariikhaysnnaa 01/03/2018, ujeeddadiisuna ahayd dacwad ka dhan ah Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Jabbuuti. Waxa uu Madaxweynuhu kulan gaar ah oo arrintaa ku saabsan la yeeshay Wakiilka, waxaana uu kaaga mahadcelinayaa sida waayeelnimada leh ee aad ugu soo gudbisay dareenkaaga ku aadanaa hadalladii Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Jabbuuti. Sidaa darteed, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa qoraalka halkan ku lifaaqan ee raalli-gelinta ah ee uu kuu soo qoray Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Jabbuuti.” Waxa nasiib darro ah in Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID kula kaco Madaxweynaha JSL been abuur iyo wanjal aan ku habboonayn mas’uuliyiinta xurmada iyo qaddarinta innaga mudan. Qoraalka loo diray Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu tilmaamayey oo kaliya in warqaddii cabashada ahayd ee Xisbiga UCID soo gaadhay Madaxweynaha, isla markaana halkan loogu soo lifaaqay qoraal kale oo uu soo qoray Wakiilka JSL u fadhiya dalka Jabbuuti. Marka horeba hadalka ka soo baxay Wakiilka JSL u fadhiya dalka Jabbuuti ma uu ahayn hadal laf-jab ah oo mudan in laga bixiyo raalli-gelin, , balse si loo dhawro dareenka masuuliyiinta axsaabta qaranka, ayaa Madaxweynuhu ka dalbaday Dan-jiraha kaddib markuu la kulmay in uu qoraal ugu jawaabo Guddoomiyaha Xisbiga, sida uu ula jeeday hadalkiisana ku caddeeyo, iyo in aan masuuliyiinta kala gaadhin hadallo muujinaya xanaf. Siyaasadda Xukuumadda JSL waa in shucuubta iyo dalalka Geeska Afrika kuwada noolaadaan nabadgelyo, colaad la’aan, iyo daris-wanaag (Zero Conflict Policy). Cid kasta oo ka hor timaadda siyaasaddaas ku dhisan nabadgelyada, daris-wanaagga iyo isku-dulqaadashada, kuma matalaan Qarankan iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland midna. Balse waxa ay ku matalaan nafahooda oo kaliya. Sidaas darteed, waxa aannu u soo jeedinaynnaa Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta Axsaabta Qaranka ee caadaystay wax-ka-sheegga iyo hadallada dhiifta leh ee ka dhanka ah dalalka dariska ah ee aynu leennahay xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashi, sida Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Jabbuuti, in ay ka waan-toobaan arrintan. Jamhuuriyadda Jabbuuti waa dal ay darisnimo iyo walaalnimo innaga dhaxayso. Shacabka iyo Dalka Jamhuuriyadda Jabbuuti midna ma mudna af-xumo iyo hadallo aan qaban oo loo mariyo warbaahinta. Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu sheegay in mad-madow ku jiro Heshiiska DP World. Waxa kale oo uu sheegay in ummadda loo caddeeyo Heshiisyada ay Xukuumaddu galayso. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxaanu xasuusinaynnaa in Heshiiska DP World yahay heshiiskii isaga oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, uu Golahaasi si buuxda u ansixiyey. Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa uu caddeeyey maanta in Dastuurka JSL siiyey xukuumadda awoodda ay heshiisyo kula gali karto dawlado, shirkado ama ururro caalami ah. Isla hadalkiisa dhexdiisana wuxuu ka hor-yimid qodobkaa Dastuuriga ah, isaga oo sheegay in uu diiddan yahay heshiiska Xukuumaddu la gashay DP World iyo Itoobiya. Guddoomiye Cabdiraxmaan ummadda ha u sharraxo nuxurka sharci ee uu ku diiddan yahay heshiiskan. https://youtu.be/wAoPlmuIPY0
Allaa Mahad Leh Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|