Wadooyinka Hal-bowlaha U Ah Magaalada Muqdisho Oo La Xidhay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wadooyinka Hal-bowlaha U Ah Magaalada Muqdisho Oo La Xidhay
March 30, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (W,N):- Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la xidhay Wadooyinka halbowlaha ah ee ku yaalla Caasimada Muqdisho.

 

Lama oga sababta hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in loo xidhay sheegashada ay xildhibaanada qaar sheegeen in ay maalinta berrito ah u codaynayaan mooshin kalsooni kala noqosho oo ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmana Jawaari.

 

Dhinaca diiddan mooshinka ayaa iyagu sheegay inay ka hadli doonaan xiisadda ka taagan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamadan ayaa u diiday Waddooyinkaasi in ay isticmaalaan Gaadiidka iyo Dadweynaha waxaana Gaadiidka ay ka kala wareegayaan inta aanay soo gaadhin Wadooyinkaas Xidhan.

COMMENTS
LINKS