|
|||||
WAJAALE NEWS
Waa Sidee Hawl Maalmeedka Shaqo Ee Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargaysa, Maxaanu Se Kula kulanay?
March 6, 2018 - Written by Editor:
HARGAYSA (W,N) Abaaro 11 am Maalinimo ayay goor sheegtu ahayd waxaanu booqanay xafiiska dawlada hoose ee casimada Hargaysa afaafka hore ama barxada dhismaha Xafiska Dawlada Hoose waxaa buux dhaafiyay dadwayne kala duwan oo u yimid sidii ay wixii dan ah ee kaga xidhan dawlada hoose u heli lahaayeen kuwaasi oo iskugu jiray kuwo siday faylal dhul, oo lahaansho dhul iyo doonis dhamaan adeegyada ay dawlada hoose u hayso bulshada kala duwan ee ku dhqan caasimada, Waxay in dhahaygu qabteen goob aad loogu urursan yahay ahna barxada hore ee dhismaha dawlada hoose , waxaa goobta ku sugan oo fadhiya maayarka caasimada oo ay ka hareera muuqdaan xubno xildhibaano ah iyo dabcan masuuliyiin kale, wuxuu si hamsami ah u gudanayay masuuliyada uu u hayo bulshada ku dhaqan caasimada Hargaysa,waxaana ku xoonsan shacabka u baahan wax ka qabashada arimaha ay u yimaadeen xafiiska. Shaqadu waxay u socotaa si xawli ah intii aan goobta ku sugnayn waxay indhahaygu qabanayeen dad door ah oo helay adeegii ay meesha u yimaadeen sidoo kale waxyaabaha soo jiidashada lahaa waxaa ka mid ahaa ma jirin wax ciidan ah oo umada doonaysa maayara caasimada Cabdiraxmaan Maxmuud Caydiid u diidaysa in uu uga jawabo muraadka ay u socdaan. Mudo gaaban waxay helayeen bulshadu adeegii ay u haysay dawlada hoose,waxaanay dadkani isugu jireen shacab aad u badan oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee caasimada. . Sidoo kale waxaa xusid mudan masuuliyiinta uu maayarka hormuudka ka yahay ay arimaha ku soo kordha amaba u baahan wada tashiga wakhtiyo gaaban iskugu kaliyaysteen xafiis ka mid ah kuwa ku yaala dhismaha dawlada hoose, xogahaya dawlada hoose iyo maayarka ayaa intaan goobta ku sugnaa ay wada shaqayntoodu ahayd mid wada tashi iyo kala qaadashada xogta shaqada ay kala qaadanayeen. Dhanka kale waxaa ka mid ahaa arimaha aan kula kulanay dawlada hoose maaayarka ayaa waxa labadiisa dhinac fadhiyay xubno ka mid ah xisbiga mucaaridka ah ee Wadani kuna suntan xubnaha ugu xag jirsanaa xiligii ololaha hadase waxay barbar fadhiyaan maayar soltelco arintan ayaa iyana ahayd waxyaabaha ku cusbaa dalwahada hoose taasi oo iyana muujinaysa sida maayarka caasimadu ugu guulaystay sidii loo dawayn lahaa raadadkii ay reebtay doorasahdii madaxtooyadu iyo kala qaybintii ay ku keentay bulshada caasimada in uu qaaday jidkii uu ku dawayn lahaa waana mid looga baahan yahay masuul kasta oo qaranka xil u hayaa in uu ku daydo talaabadan uu qaaday maayarka caasimada. Sidoo kale waxaa xafiiska dawlada hoose ku sugnaa qaarkamida xildhibanada golaha deegaanka iyana ku guda jiray gudashada shaqadii ay bulshada usoo dooratay waxana xildhibaanadaa hormuud u ahaa xildhibaan xasan Shahar oo kamida shaqsyaadka gartay waxyaabihii ay bulshadu usoo dooratay ka jawaabida baahiyaha casimada waxana ka maqnayn gudaha xilka loo soo doortay xildhibaan axmed Daahir, xil ismaaciil jaamac xaga yare , iyo xildhibaano kale oo dabcan aan xiligan qaban ishaydu. Si kasta oo ay tahay waxaa mudooyinkii u danbeeyay dhaq dhaqaaq xoogan iyo dardargalinta dayactirka lagu samaynayo wadooyinka caasimada aad ka dareemaysaa xaafado badan oo ka mdia caasimada halka ay indhaaguna qabanayaan wadooyin cusub oo laga hirgaliyay xaafadaha bada cas, iyo boqol jire iyo sidoo kale bilowga dayactir lagu samaynayp wadada halbawlaha ah ee isku xidha xaafadaha jig jiga yar ,xero awr iyo idaacada oo bulshadu baahi wayn u qabtay hagaajinteeda. Waxaanay dhamaan talaabooyinkani ku suntanaan doonaan maayarka caasimada iyo golihiisa deegaanka.
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|