|
|||||
WAJAALE NEWS
Turkiga Iyo Qatar Oo Dhaqaale Badan Ku Bixiyay Carqaladaynta Heshiiska Somaliland La Gashay DP World, Iyo Khilaaf Ay ka Dhex Abuurtay Farmaajo Iyo Khayre,
March 11, 2018 - Written by Editor:MUQDISHO (W,N)Warar xogogaal ah oo Laga Helayo Magaalada Muqdisho ayaa tibaaxaya in wadanada Turkiga iyo Qatar ay geed dheer iyo Mid gaabanba u fuulay sidii ay u Carqaladayn lahaayeen heshiiska horumarinta dekeda Berbera ee xukuumada Somaliland La Gashay shirkada dekedaha maalgalisa Ee DP World oo laga leeyahay wadanka isku taga imaaraadka carabta, oo xiligan khilaaf dhinaca gobolka ah ka dhexeeyo wadamadaas,ayaa waxay wararkani tibaaxeen in dhaqaale badan ay ku bixiyeen labadan dal iyaga oo qadar lacageed oo laaluush ah gacanta uga galiyay madaxwaynaha Somaliya Farmaajo iyo raysal wasaarihiisa khayre si ay uga qayb qaataan burburinta heshiiiska Berbera oo ku noqday fal dhuun gashay, dhaqaalahaasi oo loogu talo galay in lagu abaabulo baarlamaanka muqdisho ayaa dhanka kale khilaaf culus ka dhex istaadhay madaxwaynaha Soomaliya iyo raysal wasaarihiisa, kadib markii midba dhiciisa udoonay in ay lacagtani gacan tiisa soo gasho taasi oo ka dhex dhalisay khilaaf xoogan oo ka dhashay dhaqaalaha shilimaadka ah ee uga yimid wadamada muduciga ku ah maalgalinta heshiiska Dekeda Berbera ee Somaliland waloow aanu khilaafkani wali dibada u soobixin balse waxa laga dareemayay kala fogaanshaha labadan masuul Kulankii uu madaxwayne farmaajo la yeeshay baarlamaanka taasi oo uu kala kulmay buuq iyo weedho lagu diidan yahay qorshahan uu wato Farmaajo , waxaana lafilayaa in maalmaha inagu soofool leh dibada yimaado khilaafkani, Khilaafaadka madaxwaynayaasha iyo raysal wasaarayaasha Maamulka taagta daran ee Soomaaliya kuna guul daraysay xal uhelida Nabadgalyada magaalada muqdisho ayaa tani ku noqonaysaa mid niyad jab wayn ku keenta Taageeradii wadamada dhufayska ka dhigtay siinayeen koonfurta somaliya , WAJAALENEWS DESK MUQDISHO OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|