|
|||||
WAJAALE NEWS
Todoba Qof Oo Lagu Dilay Mudaharaad Ka Socda Xadka Qasa
March 30, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa (W,N):- Falastiiniyiinta Qasa ayaa iyagoo kumanaan qof ah socod bannaan bax ah ugu dhaqaaqay xadka Israel oo ay ku bilaabayaan mudaharaaddo lix todobaad socon doona.
Wasaaradda caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in ugu yaraan todoba qof lagu dilay rasaas ay ku fureen ciidamada Israel 350 kalena ku dhaawacmeen.
Milatariga Israel-na waxa uu ku waramay in “rabshado” ka socdaan lix goobood waxaanu sheegay in ay “rasaas ku rideen kuwa rabshadaha horseedka u ah”. Falastiiniyiintu waxay iskugu uruureen oo fadhiisimo ka dhigteen shan goobood oo xadka u dhaw oo ay ka mudaharaadayaan, waxaanay hal ku dhig uga dhigeen bannaan baxooda Socod Wadareedkii Ku Noqoshada [dhulka]. Waxay bannaan baxoogan ku doonayaan in loo ogolaado qaxootiga Falastiiniyiinta ahi in ay ku noqdaan dhulkoodii ay ka qaxeen oo haatan ah dhulka Israel. Ciidanka Israel wuxu sheegay in 17,000 oo Falastiiniyiin ahi iskugu soo baxeen shan goobood oo gidaarka xadka laga dhisay agtiisa ah.
Related posts:halkan ka daawo garabka uu hogaamiyo gudoomiye muuse biixi oo shaaciyey wakhtiga ay qabanayaan shirk... DAAWO;-Dadwaynaha Ku Dhaqan Xaafada State Houseka Oo Ka Warbixin Xaalada Dhabta Ah Ee Ay Ku Sugan Yi... DAAWO ; Abwaanadii Koowaad Ee Haween ah Oo Kusoo Biirtay Silsiladii Miinlay Ee Abwaan Xasan Daahir... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|