Shirkada Ivory Jet Oo Somaliland Duulimaadyo Gaara Ka Bilaabaysa Iyo Masuuliyiin Xukuumada Ka Tirsan Oo Soo Dhaweeyay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada Ivory Jet Oo Somaliland Duulimaadyo Gaara Ka Bilaabaysa Iyo Masuuliyiin Xukuumada Ka Tirsan Oo Soo Dhaweeyay,
March 7, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Shirkada IVORY JEF SERVICES Ayaa Markii u horaysay Xafiis ka furanaysa Somaliland Iyadoo Dhawaana ka Bilaabi Doonta Dhaqadeeda Iyo duulimaadyada Gaarka ah Ee Ay qabato kuna qaadaan Dadka VIPda kuwaasi oo mudo badan dadka Reer Somaliland baahi wayn U qabeen in Mar Uu Ay helaan Shirkad Duulimaad Nooca ka bilowda caasimada hargaysa ee xiligan shirkada IVORY JET bilaabaysa in ay gaarka ugu qaado Ganacsattada Iyo Masuuliyiinta Iyo cidkasta oo rabta in ay ku safraan diyaaradaha bixiya Adeega VIP rabana kuraasta gaar ka ah  sidoo kale qaybta duulimaadyada bukaanka oo u gaar ah dadka adeegyo caafimaad u doonanaya in ay utagaan wadamada dibada.

ivory jet 2

Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Jamhuuriyada Somaliland Iyo Xubno Ganacsato Ah oo wehelinayay ayaa Maanta Dalka ku soo Dhaweeyay Masuuliyiinta Shirkada Ivory Jet Services Ugu Sareeysa taasi oo ay Hormuud ka Tahay Marwo Faadumo- Cawo Ismaaciil Cumar .

ivory jet 33

Shirkadan Duulimaadyada Ee Ivory Jet ayaa laga leeyahay Dalka Aynu jaarka nahay ee Jabuuti, Waxayna ku jirtaa shirkadaha Casriga  ah Ee Adeegyada Duulimaadka Iyo waxyaabaha kale Bixiya kuwa Ugu Casrisan Africa ,

Ivory jet

Wasiirka Wasaarada cadaalada Eng Cabdi qani Maxmuud Qaateeye ayaa Sidiiran Usoo dhaweeyay Shirkada Oo uu ku Tilmaamay In ay Sii xoojindoonta Xidhiidhka Walaaltinimo ee ka Dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti ,sidoo kale Waxa uu xusay Baahida loo qabay Shirkadan Dhanka kale Ganacsade Xuseen Al isaaqi ayaa soo dhaweeyay insa dhiniciisa shirkadan taaso oo uu sheegay In Ay dabooli doonto Baahi wayn oo loo qabay Adeegyada ay bixin doonto Ivory Jet Services.

Sikasta oo ay tahay waxaa jamhuuriyada Somaliland maalinba maalinta ka danbaysa kusoo badanaya shirkada bixiya adeegyada kale duwan ee ay shacabku u baahan yihiin, sidoo kale ganacsatada reer jabuuti ayaa inaya dhankooda muujiyay dadaalka ay ugu jiraan daboolida baahiyaha ay ubaahan yihiin dawlada aan wali caalamka ka helin aqoonsiga ee Somaliland shacabkeedu waana Arimaha ay taariikhdu xusi doonto.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS