|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkada DP World Oo Ganafka Ku Dhufatay Wareejinta Dekeda Dooroole Ee Jabuuti
March 30, 2018 - Written by Reporter:Dubai (W,N):- Shirkadda DP World ayaa ganaf ku dhufatay go’aanka xukuumadda Jabuuti ay ku sheegtay in ay iibinayso saamigii ay Dekeda Dooraalle ku lahayd Shirkadaasi, Saamigan oo ahaa 33 ayay shirkaddu sheegtay in ay tahay go’aan khaldan oo ay qaadatay Dawladda Djabouti.
Maareeyaha Dekedaha iyo Aagga Cashuuraha Ka Caaggan ee wadanka Djabouti Aboubakar Hadi ayaa u sheegay wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa xusay in ay diyaar u yihiin in ay iibsadaan saamiggii Dekeda ay ku lahayd shirkadda DP World.
Afhayeen u hadlay Shirkadda DP World ayaa sheegay in aanay wax dalab ah ka helin Xukuumadda Jabuuti kaas oo ku saabsan in ay ka iibsan doonaan saamigooda.
Sidoo kale Afhayeenka u Hadlay Shirkada Dp World ayaa sheegay in ay jirto Dacwad ay u gudbiyeen maxkamada ka garnaqda heshiisyada ee ku taala dalka Ingiriiska.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Related posts:Wasiirka Biyaha Somaliland Iyo Hay’adda Save The Children Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgal... Daawo: Wasiirka Ganacsiga Somaliland Oo Ka Hadlay Saamaynta Ay Colaada Itoobiya Ku yeelatay khudaart... Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Iska Hor Imaad Ka Dhacay Magaalada Boosaaso Iyo Khasaaraha Ka Dhashay. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|