Shaqaale Katirsan Dawlada Hoose Gabiley Oo Xaflad Ay Ka Qaybgaleen Sobobtay In Xabsiga Loo Taxaabo Iyo fadeexada Ka Taagan, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shaqaale Katirsan Dawlada Hoose Gabiley Oo Xaflad Ay Ka Qaybgaleen Sobobtay In Xabsiga Loo Taxaabo Iyo fadeexada Ka Taagan,
March 26, 2018 - Written by Editor:

GABILEY(W,N) Maayarka Maaglada Gabiley Iyo Xoghayaha Dawlada hoose ayaa la sheegay in Amar kasoo baxay  xabsiga loogu taxaabay  Midkamida Saraakiisha Shaqaalaha Dawlada hoose Ee gabiley halka ay kuwo kalena ay ugu hanjabeen in ay Shaqada ka Caydhin Doonaan, Shaqaalahan ayaa la xidhay 26/03/2018  kuwaasi oo ilaa inta la ogyahay wali xidhan yahay midkamid ahi kaasi oo lagu magacaabo “Isleeg”

Xadhiga Caga juglaynta shaqaalah Qaarkamdia dawlada hoose ee gabiley ayaa la sheegay in ay sobobtay kadib markii Magaalada Arabiyo kaga Qaybgaleen Xaflad ay soo Qaban Qaabiyeen Haayada  GLOPPI PEECE oo ka shaqaysa dhiiri galinta maamul wanaaga iyo la Xisaabka Maamulada Degmooyinka Gobolka Gabiley,

maayarka gabiley 1

Xafladan lagu qabtay Magaalada Arabsiyo ayaa La sheegay in ay ka Cadhaysiisay Maamulka Degmada Gabiley oo ay Hormuud ka yihiin Maayar Maxamed Amiin iyo Xoghaye Mustafe Maxamuud Cabsiiye.

Dhacdadan lagu Xidh xidhay Shaqaalihii ka qaybgalay Xafladan ayaa ujeedada ka danbaysa  si cad loo shaacin marka laga Tago wararka qaar oo sheegay in Maamulka Gabiley kasoo Horjeedeen Hawshan ay Qabteen Ururkani

Si kastaba ha ahaatee Maayarka Maagalada Gabileay ayaa lagu Eedeeyaan in Uu Gabi ahaanba kasoo Horjeedo Cid kasta oo waxka Qabanaysa iyo Maashaariic lagu fulin lahaa Gobolkaba  taasi ay xogahani iftiiminyeen in Maayarku uga Dan Leeyahay in Aan cid  iskaga ka mar Qaadanin Wixii ay fulinayaan Uu u Adeegsado Joojin tooda Awooda Maamul Ee Uu bulshada u Hayo, inkastoo tan iyo intii la doortay xukuumada muuse biixi si dhow loolo socda talaabooyinka uu qaadayay, iyo cabashada reer gabiley ka qabaan maamulkiisa.

Halka Dadka Siyaasada maayar Amiin la socdaan Sheegeen in uu isagu Samaysay Ururo Iyo kooxo uu si hoose u naasnuujiyo.

Xadhigan ayaa lagula kacay shaqaalahan ayaa noqday mid bulshada reer gabiley dareeno kala duwan ka dhex abuurtay kuwaasi oo banaanka keenay siyaasada Maayar Amiin Iyo Curyaaminta uu ku hayo Hawlaha lagu Horumarin Lahaa Gobolka.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS